Weerar ka dhacay garoon diyaaradaha oo ku yaala Magaaladda Paris

Paris – ( warsoor ) – Nin ayaa lagu dhex toogtay saaka 8:30 garoonka diyaaradaha ee Orly oo ku yaalla magaalada Paris ee dalka France, ninka la toogtay ayaa mid kamid ah askarta ammaanka sugta ka dhuftay bistoolad kaddibna ku dhex carary suuq ku yaala garoonka gudihiisa.

Bilayska la hortaga argaggixisada ayaa baadigoob ka wada garoonka oo laga yaabo in qofka dhintay uu meel kamid ah uga tagay wax qarxi kara, waxaana loo digay dadka inay goobta baaristu ka socoto ka dheeraadaan.

Garoonka Orly oo ah midka labaad ee ku yaalla caasimadda Paris ayaa muuqaalo laga soo duubay waxaa laga dareemayaa argaggax ka muuqda dadkii ku sugan garoonka intay socotay daad-guraynta.

Duulimaadyadii soo caga-dhigtay garoonka ayaa lagu hakiyay barxadda garoonka iyo dadkii saarnaa, waxaana laga codsaday inay ku sugnaadaan diyaaradda inta baadhistu ka dhammaanayso.

TV laga leeyahay France BFM ayaa kusoo warramay inuu nin isku dayay inuu askari ka dhufto bastoolad kaddibna askarigii uu rasaas ku furo ninkii soo weeraray.

Bilayska waxay kaloo raadinayeen inay jirto cid kale oo falkaa ku wehelisa ninka la toogtay ama waxyaabo qarxa aaga ka dhow .

Bilayska ayaa baraha bulshada ku qoray . “Wali waxaa socda baadhis, waxaan ogaysiinaynaa dadka inay ka dheeraadaan garoonka inta ay howshu socoto .”
Dalka France ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku jira sharci ah “Xaalad degdeg ah” kaddib weerarro is xigxiga oo ka dhacay dalka oo ay ka dambeeyeen Daacish iyo Alqaacidda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.