Waxbarasho Tayo Leh Lama Heli Karo Macallinka Oo Aan La Daryeelin W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Hoggaamiyihii ama ra’isal wasaarihii hore ee waddanka Israel Mr
Shimon Peres wuxuu yidhi: Dal kasta horumarka uu samaynayo
ama samayn doono waxa laga qiyaasa tirada dugsiyada iyo
jaamacadaha ka jira iyo tayadooda waxbarasho.

Waxaan u malaynaya in Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi
isaguna sidaas oo kale aamminsan yahay, u fiirso khudbadihiisa
inta badan wuxuu bulshada ku dhiiri geliyaa in xoogga la saaro
waxbarashada tiro iyo tayaba oo fure u noqon karta horumarka
dalka iyo ilbaxnimada bulshada.

Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniskuna iyaga oo ka duulaya
siyaasadda dawladda sanad kasta ugu yaraan waxay qabtaan
laba kulan oo heer Qaran ah, waxa ka qayb gala madaxda
wasaaradda, aqoonyahanno ku xeeldheer cilmiga waxbarashada
iyo khubaro ka socota hay’addaha caalamiga ah ee Somaliland
ka caawiya dhinaca waxbarashada.

Kulamadaa oo maalmo qaata waxa lagaga dooda sida ugu
haboon eek or loogu qaadi karo tayada waxbarashada dalka oo
cid kastaaba dareensan tahay in ay ka hoosayso heerkii loo
baahna.

Dhammaadka kulanka waxa laga soo saara go’aamo iyo talooyin
haddii la dabaqo wax ka tari kara tayaynta waxbarashada
waxaanse marnaba la tixgelin oo laga warwareega in la tilmaamo
doorka macallinku ku yeelan karo waxbarashada wanaagsan,
yaala lama xuso mushaharka iyo duruufaha dhaqaale ee
macallinka dugsiyada dawladdu maamusho.
Mudane madaxweyne ama wasiir shicibku ma rumaysto
hadallada iyo ballanqaadyada afka ah ee madaxdu ku celceliso

munaasibadaha qalin jabinta iwm laakiin, waxay rumaystaan
ficilka iyo waxa ay indhahooda ku arkaan ee la qabanayo.
Runtii ma mooganin haynta iyo dhaqaalaha dalka, mana
mooggani baaxadda baahiyaha jira hase ahaatee doodaydu
waxay tahay in mudnaanta la siiyo nolosha macallinka si
dugsiyada dawladdu tayo ahaan ula tartami karaan kuwa gaarka
loo leeyahay; sidaas daraadeed madaxweynaha iyo wasiirka
wasaaradda maaliyadda waxaan u soo jeedinaya in ay ku
dhiiradaan miisaaniyadda sanadkan (2020) in mushaharka
macallimiinta loo kordhiyo ugu yaraan wax u dhigma mushaharka
laga qaato kuwa gaarka ah si loo joojiyo hayaanka macallinka
fiican ee dhaqaale doonka ah.
Talo Bixin
In laga dhabeeyo balanqaadyadii xukuumadda ee ahaa in kor loo
qaadi doono tayada waxbarashada iyo ‘sector-ka caafimaadka;
In macallimiinta mushaharka loo kordhiyo in ka dabooli karta
baahiyaha aasaasiga ah.
In bilaha fasaxa macallimiinta la siiyo tababarro si kor loogu
qaado xirfaddooda waxbarashada (in-services training).
In sanad kasta macallinka lagu qiimeeyo kartidiisa iyo sida uu ugu
dadaalo ardayda.
In dugsiyada gaarka loo leeyahay ee wali ka caga jiidaya in ay ka
mid noqdaan nidaamka waxbarashada JSL lagu khasbo in ay u
hoggaansamaan xeerarka iyo amarrada wasaaradda.
In wasaaradda waxbarashada iyo sayniska laga bixiyo
ogolaanshaha (admission) jaamacadaha dalka lagu galo.

Cabdiraxmaan Cadami
Abdirahmanadami22@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.