“Waxaanu ku Heshiinay WADDANI in aanu Qaadano Maayarka Hargeysa iyaguna ay Qaataan Gudoomiyaha Baarlamaanka”

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay oo ka mid ahaa Xildhibaanadii xisbiga UCID uga soo baxay Doorashadii Golaha Deegaanka Hargeysa, una taagnaa tartanka maayarnimada caasimadda, ayaa sheegay in uu hankiisii Maayarnimo uga tanaasulay Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in uga mahadnaaayo Xildhibaan Cudhay tanaasulka uu u sameeyay Xildhigaan Cabdikariim Mooge, waxaana uu yidhi “Waxa aan u mahadnaqayaa Siciid Cudhay oo in badan tacab galiyay Xisbiga UCID in badana Xisbiga ku jiray, axsaabta ayaana soo saarta cida Maayarka noqonaysa Cabdikariim Axmed Mooge saaxiib ayaanu ahayn, kursigani wuxuu ahaa kursi UCID, waxaanu ku heshiinay Waddani in Maayarka Hargeysa aanu qaadano, iyaguna ay qaataan guddoomiyaha Baarlamaanka. Madaxweynaha Somaliland-na wuu ku mahadsanyahay in uu sharciga ilaaliyo, codka shacabka la ixtiraamaana waa wax fiican”.

Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay ayaa sheegay in uu u cadaynayo bulshada Somaliland in uu u tanaasulay Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge, waxaana uu yidhi “Aniga oo ah Siciid Cabdisamad Cudhay oo u tartamayay jagada Maayarnimad Hargeysa, waxa aan halkan ku cadaynayaa in aan u tanaasulay Cabdikariim Axmed Mooge, waxaana halkan jooga 9 Xildhibaan oo taageersan Cabdikariim Axmed Mooge”.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waxa uu u mahadnaqay Xildhibaan Siciid Cudhay, waxaana uu yidhi “Waxa aan uga mahadnaqayaa walaalkay Siciid Cabdisamad Cudhay tanaasulka uu ii sameeyay, waan ogahay in uu han lahaa oo uu doonayay in uu isku sharaxo Maayarka Hargeysa, aad iyo aad ayaanan uga Mahadnaqayaa in uu ii tanaasulo. Umadda Somaliland doorasho ayay gashay qiimo leh oo wanaagsan rag badan oo iga mudan ayaa jira oo shacabka u tanaasulay”.