“Waxaannu Nahay Xisbi Waayo Arag Ah Oo Garanaya Wixii Ay Qabteen, Waxa Ka Baaqday Iyo Waxa Toosinta U Baahana, Sidaa Darteen Danta Ummadda Iyo Dalku Waxa Ay Ku Jirtaa KULMIYE.” Wasiir Maxamuud Xaashi.

Baligubadle (warsoor) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay danta Ummadda iyo qaranka Somaliland ay maanta ku jirto in la doorto xisbiga KULMIYE, isaga oo arrintaasi u sababeeyey waayo aragnimada uu xisbigaasi dheer yahay asxaabta kale.

Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in gobolka Hawd iyo magaalada Baligubadle ay yihiin deegaanada sida weyn looga taageeri jiray xisbiga KULMIYE, arintaasina aanay waxba iska bedelin, Mudane Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay khubad uu ka jeediyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Baligubadle ee gobolka Hawd halkaas oo ay isugu yimaadeen taageeryaasha Xisbiga talada dalka haya, oo ka qayb qaadanayey maalinta lixaad ee Ole-olaha doorashada Madaxtooyada Somaliand.

Wasiirka Madaxooyada oo hoggaaminayey wefti ballaadhan oo ka tirsan Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo maanta gaadhay magaaladaasi ayaa halkaasi ka jeediyey khubad waxaaanu yidhi “  Farxad weyn ayey noo tahay in aannu maanta idin kala soo qayb-galno banaan bixii ole-olaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Hawd, magaalo madaxdiisa Baligubadle, waxaan jecelahay in aan halkan idiinka mahad-celino sidii qiimaha lahayd ee aad noo soo dhawayseen iyo sidii aad ugu soo baxdeen xisbiga KULMIYE musharraxiintiisa inaad taageero u muujisaan, aad iyo aad ayaanu idiinku mahad-naqaynaa, iyada oo qorax ah ayaa halkaa taagan tihiin waxa ay taasi muujinaysaa oo sabirka iyo dulqaadkaasi uu ka turjumayaa dareen siyaasadeed oo mug leh oo ka soo baxaya quluubtiina, ciyaar halkaa uma aydaan joogteen hadii aydaan waxaa aamin-saneyn, dadka mabda’a leh ayaa calaamadaa lagu gartaa.”

“ Baligubadle maaha meel cusub, waa gobol caan ah oo hore u jiray, KULMIYE iyo Baligubadle-na iskuma cusba, haday isku cusub yihiin xisbiyada layliga ah ee jaro-baradka ah ee dhawaan soo baxay, Baligubadle iyo KULMIYE waa jaal siyaasadeed, waxaan ugu jeedaa sooyaalka taariikhdu waa muhiim in dib loo xasuusto doorashadii Madaxtooyada ee 2003-dii, doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010-kii labadaa doorashado ayaa Somaliland Madaxweyne dooratay, labadaba Baligubadle waxa ku adkaaday KULMIYE, Baligubadle waxa ay ahayd KULMIYE, Baligubadle maantana waa KULMIYE.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena u mahad-naqay dadweynihii 2010-kii u codeeyey Madaxweyne SIilaanyo waxaanu yidhi “ Waxaannu boggaadinaynaa oo u mahad-naqaynaa dhammaan taageerayaashii u codeeyey KULMIYE labadaa doorashado, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo madashan ka maqan aniga oo afkiisa ku hadlaya maadaama aan gacan yarihiisii ahay, waxaannu ugu mahad-naqaynaa dhammaan dadkaas u codeeyey, waxaan leeyahay Axmed Siilaanyo, xukuumadiisa iyo xisbiga KULMIYE hadii aad doorateen oo u codayseen sidii aad ugu listeen ayuu idiinku hambeeyey, soo maaha? Waxaannu leenahay wixii aannu qaban-karaynay waanu qabanay, gobolka Hawd, gobolka Maroodijeex iyo dhammaan dalka oo dhan waxaannu ka qabnay wax cad, annagu ma faan badnin, KULMIYE laguma murmo in aannu wax qabanay, laguma murmo in xukuumadda KULMIYE ay tahay tii horumarka iyo waxqabadka, waxa se nalagu dacaayadeeyaa KULMIYE ma yaqaan si uu libtiisa u sheegto waayo Afmiishaarada ayaan nagu badneyn.

Wasiirka Madaxtooyada ayua sidoo kalena yidhi “ Waxaannu leenahay KULMIYE wuxuu yaqaanaa in gobolka Hawd inuu leeyahay burji siyaasadeed, waayo waa kuwo kala yaqaana xisbiga guusha iyo xisbiga guul-darada, waxay yaqaanaa saxansaxada dabaysha, daruuraha guusha iyo kuwa guul-darada maaha dad layska khaldi karo, maaha dad la indho-sarcaadin karo, annagu waxaanu leenahay hadaanu KULMIYE nahay ummadda waxbaanu u qabanay, waanu soo doojinay, ummaddan waanu u dib-jirnay, xilkii iyo ammaanadii ummaddana si wanaagsan ayaannu u gudanay, ku doodi mayno in aanay qabyo jirin, ku doodi mayno in aanaan dhaliilo lahayn, waxase aannu leenahay wax badan oo qaloocay ayaannu toosinay, wax badan oo la qaban kari waayey ayaannu qabanay, hal-abuur ayaanu la nimid, waxaannu leenahay wax badan oo wanaagsan ayaannu xaqiijinay, waxaanu nahay xisbi waayo arag ah oo wixii ay qabteen garanaya, waxa ka baaqdayna garanaya, waxa toosinta u baahana garanaya, sidaa darteen danta ummadda iyo dalku waxa ay ku jirtaa KULMIYE, waxaanu leenahay hadaa na doorataan wax badan ayaa qabsoomi doona, horumar badan ayaa dalka u qabsoomi doona, Umadda caddaalad ayaanu ku dhaqaynaa, sinaan ayaanu ku dhaqaynaa, ummadda waanu midaynaynaa sidaa ay maanta u midaysan tahay.”

Wa bilaahi Tawfiiq 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.