“ Waxa Mustaqbalka KULMIYE Uu Hamigiiisu Yahay In Shanta Dambe Ee Mudddo Xileedkiisa Labaad Sameeyo Wadada Laascaanood Iyo Ceerigaabo Oo Xudun Iyo Awboogays

Xudun – (warsoor)- Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi oo hawlaha dardargalinta qaadashada kaadhka cod bixinta u joogo gobolada beri ee dalka, ayaa shalay si balaadhan loogu qaabilay Degmada Xudun.
Wasiir Xaashi oo ka hadlay dadweynaha degmadaasi ayaa ka waramay ujeedada socdaalkooda iyo horumarka baaxada leh ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka hirgalisay gobolka Sool waxaannu yidhi “ ILAAAHAY ayaa (SWT) ku mahadsan nimcooyinka badan ina siiyey inoona fududeeyey, maanta waxannu socdaal aannu ku dhiiri-galinayno qaadashada kaadhka codbixinta ku nimid degmada Xudun, bulshada ku dhaqan waanu ugu mahad naqaynaa sidii diiranayd ee ay noo soo dhaweeyaan ee gobonimada iyo garashadu ku jirtay, mar labaad waxaannu ku bogaadinaya bulshada deegaanka Xudun oo madax-dhaqameedku u horeeyo dadaalkii ay kaga qayb qaateen nabadaynta, adkaynta iyo xoojinta nabadgalyada deegaanka.”
Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Marka nabad la helo ayaa horumarkuna yimaadaa, aduun faro badan ayaa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay ay ku bixisay nabaddgalyada gobolka Sool gaar ahaan deegaamada aynnu hada joogno, taasi waxay meesha ka saartay horumar badan oo dadka loo qaban lahaa, shaqo abuur dhalinyarada loo sameyn lahaa, Nabaddu waa sinta qofku ku fadhiisto hada nabad buuxda ayaa dhulkan ka jirta waxaannu u ruqaansanay in aanu horumarkii deegaanka ka shaqayno, waxaanu sanad ka hor halkan ka fulinay xaruntii maamulka degmada, saldhigii degmada, garoonkii kubada cagta iyo xanaanadii, waa afar mashruuc oo waaweyn, hada waxaannu halkan ka fulinaynaa dugsigan caanka ah ee degmada ku soo badhaadhay ee da’a yarku wax ku abratay in aanu dayr ilaaliya u sameyno, waxa kale oo aanu sameyn doonaa dhismayaal kale oo hada duug ah, waxaannu ku sameyn doonaa dayactir, horumarkuna wuu is daba socdaa, sidoo kale magaallada Sarmaayo waxaannu ku samayn doonaa MCH, waxaasi waxay salka ku hayaan siyaasada xisbiga KULMIYE.”
Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay xisbiga KULMIYE iyo qorshahiisa mudo xileedka labaad hadii uu talada dalka ku guulaysto waxaanu yidhi “ Dalku inuu isasa soo gaadho ayaannu doonaynaa, in qaniimada iyo dhaqaalaha dalka la qaybsado ayaannu doonaynaa, waxana mustaqbalka KULMIYE uu hamigiiisu yahay in wadada Burco iyo Ceerigaabo hadii maanta santii hore ee sano sameeyey inuu shanta dambe ee mudddo xileedkiisa labaad sameeyo wadada Laascaanood iyo Ceerigaabo oo Xudun iyo Awboogays maraysa, Muuse Biixi Cabdi ayaa laga doonayaa, waa hiigsiga iyo qorsha aragtida xisbigayaga ee ku jirta qorshaha qaran ee aannu sameynay, maaha waxa aannu ku hadlaynaa wax gole ka fuul ah oo halkan ka dhashay.”
Halkan ka daawo waran:
https://youtu.be/Lneh3JSBeKg

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.