WAX QABAD AY SOO DHAWEEYEEN DADKA SOMALILAND

Maalqabeenka Maraykan ah ee Howard Schultz ayaa waraysi uu siinayay CNN ku sheegay in aanay jirin wax ka raaxo badan in aad shaqo abuur u samayso dadka aad isku Maraykanka tihiin.

Ismael Ahmed oo ah mulkiilaha World Remit, ahaana dhalinyaradii ka qaxday, dagaalkii u dhaxeeyey SNM iyo dawladii kali taliska ahayd ee ku dhexmaray magaalada Hargeisa sanadkii 1988,ayaa sheegay in uu lacag dhan
$500 milyan uu ku maalgalinayo mashaariicda Somaliland, si uu ula dagaalamo deeqaha dibadda, sidoo kale shaqo abuur ugu sameeyo dadka Somaliland.

Ismael ayaa ku sheegay waraysiga, in lacagtaas,oo isla sanadkan uu gaadhsiinayo Somaliland, lagana maarmi doomo gargaarka dibadda, maadaama ganacsiga lacagtaaas ay dawladda Somaliland siinayso cashuur badan, isla markaana shaqo abuuris ay ku samaynayso magaalooyinka Somaliland.

Ma jirto hiil ka wanaagsan caawinta dhamaan dadka Somaliland, hiilkaasna waxa maanta muujiyey mulkiilaha World Remit.

Sidoo kale, Ismael Ahmed ayaa sheegay in uu si khaas ah ugu talo galay in uu caawiyo dumarka Somaliland, isaga oo ka caawinaya in ay yeeshaan dhaqaale ugooni ah.

Sidoo kale, dadka Somaliland ayaa baraha bulshada ku soo dhaweeyey fariinta Ahmed Ismael.