Wasiisr Diini: Amniga Dalka waxaa ku filan Ciidamada Xoogga Dalka

Kismaayo – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaan dhigga Xukuumadda Soomaaliya Janaraal; Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay inay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku filan yihiin sugidda ammaanka Dalka.

Janaraal Diini, oo ka hadlayay munaasabada tababar uu uga soo xirayay Cutubyo ka mida Ciidanka Xoogga Dalka Magaalada Kismaayo, ayaa intaa raaciyay inaanan loo baahnayn in Ciidamo kale lagu halleeyo sugidda nabad gelyada Dalka iyo dib u dhiskiisa.

wasiir_diini

Wuxuu sheegay Wasiirku in Tababarka iyo kaalmooyinka kale ay ka qayb qaadan karaan Ciidamo shisheeye, balse anay habboonayn, saxna ahayn in Cid kale marti looga noqdo laguna halleeyo dhismaha iyo difaaca Dalka.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, ayaa dhinaca kale kormeer ku tagay xeryaha Ciidamada Xoogga Dalka ee Magaalada Kismaayo iyo xarumaha Talisyada, wuxuuna Saraakiisha iyo Ciidanka kaleba aad ugu boorriyay inay isku tashtaan oo ayan Dadkooda iyo Dadkooda uga seexad cid kale.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.