Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Booqday Askari Ka Tirsan Ciidanka Dab-demiska Oo Waxyeelo Ka Soo Gaadhay Hawlgal Ciidanku Ka Sameeyay Xaafada Istaad Hawska

Hargeysa – (warsoor) – Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Ciidanka Dab-demiska ayaa Subaxnimadii Maanta Booqday Askari Ka Tirsan Ciidanka Dab-demiska Oo Waxyeelo Ka Soo Gaadhay Hawlgal Ciidanku Ka Sameeyay Xaafada Istaad Hawska, waxaana ilaa hadda lagu dawaynayaa askarigaas Cisbitaalka Hargeisa International.

Ugu Horayn waxaa halkaa ka hadlay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye waxaanu sheegay in Ciidanka Dab-demisku Muddooyinkii u dambeeyay ku jireen hawlgalo dab iyadoo ay tahay wakhti xagaaya dabkuna aad u badanyahay waxay ku jireen hawlgaladaas, Aqbali mayno iyadoo ciidanku Hawlgaladaa dadkooda ay ku badbaadinayaan ay ku jiraan in haddana la shiido oo la waxyeeleeyo iyadoo waliba ay Ciidanka Da-demisku ay dab kasta ku gaadhaan wakhti yar.

Sidoo kale Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye wuxuu sheegay in Guuleed Maxamed Carab oo ah askariga dhaawacu soo gaadhay uu yahay nin Da’ayar isla markaana mutadawac ah dadkiisa iyo dalkiisana diyaar u ah inuu u gurmado loomana baahna in waxyeelo loogu baddalo heegankaa iyo dadaalkaa u wado.

Waxaanu Wasiirku sheegay inay Ciidanka lala shaqeeyo lana soo dhaweeyo waayo waxay badbaadinayaan waa Naf iyo Hanti ummadeed, waxaanu xusay wasiirku in la samayn doono wacyigelin ballaadhan oo dhankastaba, waxaanu tilmaamay inaanay wax damboo dhacaya noqonayn dad loosoo gurmaday inay aad yar waxyeelaan dadkii u soo gurmaday.

Dhankiisa Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Ciidanku markuu dabka u baxo badanka meel laga istaago la waayo dadweynaha oo aad ugu soo xooma, sidoo kale marka dabka gudaha loo galo iyadana dadweynuhu ay dhex yaacaan dabka la bakhtiinayo, isla marka aanu ku nidhaahdno jidka noo furana way na shiidaan oo nala dagaalaman, muddadii aan Dab-demisku jirina dadweynuhu waxay odhan jireen dab-demis hanoola sameeyo, ilaahay mahadiina waxa sameeyay dab-demiskii ugu horeeyay Xukuumadan Madaxweyne Siilaanyo.

Waalidka Guuleed Maxamed Carab ayaa iyaguna u mahadnaqay Ciidanka Dab-demiska iyo Maamulka Wasaarada iyo dhamaanba Xukuumada iyo Shacbiga sida ay u garab taaganyihiin ulana qaybsadeen Dhibaatada soo gaadhay Wiilkooda Guuleed, waxaanay ka codsadeen laamaha Amaanka in dadkii falkaa geystay sida ugu dhakhsaha badan loo Horkeeno Sharciga.

Waxaa kaloo  Taliyaha Ciidanka Dab-demisku Tilmaamay In Dab-demiska waxa laga sameeyay ay tahay cashuurta dadweynaha laga uruuriyo isla markaana loo baahanyahay in la ilaashado lana soo dhaweeyo lkn aan dagaal iyo shiid loogu abaal celin. dhanka kale Taliyuhu wuxuu sheegay in dadkii falalka ciidanka dab-demiska lagu dhaawacay gaystay Ciqaab la marin doono imikana Police ku gacanta ku hayo.

Ugu Dambayn Maamulka Sare ee Ciidanka Dab-demiska iyo Wasiir Maxamed Muuse Diiriye Ayaa u duceeyay Askarigaa dhaawacu soo gaadhay ilaahayna uga baryay inuu caafimaad siiyo dhibaatadana ka kor qaado, dhamaan shacab iyo xukuumad markastaba la garab taaganyahay cid kastoo hawlgal iyadoo ku jirta dhibaato soo gaadho waxaanay Maamulka Ciidanka Dab-demsika iyo Wasiirku ballanqaadeen inay markastaba garab  taagan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.