Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Oo Cusbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday Dadkii Ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay Hargeysa Stadium

Hargeysa – (warsoor) – Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, kana koobnaa, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka  Maaaliyada Marwo. Samsam Cabdi Aadan,Wasiirka qorshaynta qaranka Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali shoombe) iyo taliyaha ciidanka Booliska Md. Cabdilaahi Iimaan Fadal ayaa maanta Cusbitaalka guud ee Hargeysa ku booqday dadweyne iyo Askar booliska ka tirsan oo ku dhaawacmay rabshado shalay ka dhacay Garoonka Hargeysa Stadium.

19

Waftiga Xukuumadda ayaa dadkaasi dhaawacmay gaadhsiiyey deeq lacageed oo uu bixiyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyagoo sidoo kalena shaaciyey in Xukuumaddu ay bixinayso dhamaan kharashaadka ku baxaya daawaynta dadkaasi dhaawacmay.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo hogaaminayey weftigaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kalena meesha ka saaray inay jirto tacadi ay Ciimada boolisku u gaystee dadweynhii rabshadaha dhigayey, isaga oo hambalyeyey ciidmada booliska.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha booliska ayaa booqday dhamaan dhaawacyada lagu dawaynayo cisbiyaalka guud iyagoo halkaasi uu ku qaabilay warbixina ku siiyey Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Askar, iyagoo dadkaasi gaadhsiiyey kharash loogu talo galay in lagu baxnaaniyo.

Booqashada kadib ayaa waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo faahfaahin ka bixiyey booqashadooda waxaanu ydihi “Waxaanu maanta halkan Cusbitaalka guud ee Hargeysa u nimid anaga oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland, Taliyaha ciidanka booliska iyo masuuliyiin kale in aanu soo kormeernay dadkii shalay dhibaatadu ka gaadhay rabshadii ka dhashay ciyaartii kubada oo isugu jiray dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidamada booliska Somaliland, dadkaa waxaanu ula nimid bariido Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland uu noo soo faray, uuna noo soo diray in aanu xaaladooda xogogaal u noqono, in aanu niyada u dajino iyo in aanu xaaladooda caafimaadna ogaano.”

“Aad baanu Xukuumad ahaan uga xunahay dhibaatadaas shalay ka dhacday garoonka Hargeysa Stadium waana mid si wayn dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland u damqaysa, anagana dabcan si gaar ah noo damqaysa oo noo taabanaysa, maadaama oo aanu nahay Xukuumadii qarankan maamulaysay, u talinaysay masuulka ka ahayd ILAHAY uu amaanadaa saaray. “

Wasiir Xaashi ayaa dhinaca kalena ka hadlay rabshadihii shalay ka dhacay garoonka kubada ee Hargeysa Stadium waxaanu yidhi “Waxa halkaa ka dhacay waxay ahayd wax fool xun, oo ay ahayd in aanay dhicin laakiin ILAHAY ayaa (SWT) qadaray, qadarka ILAHAY-na waxba canaan ma le, arintaasi dunida waa ka dhacdaa Somaliland way ka jirtaa, in aynu ciyaaraha  xoojinayo ayey doonaynaa, in dhalinyaradeenu ay dhaqan wanaagsan ku ciyaaraan ayeynu u baahan nahay, ciyaaraha aynu u baahanay waa inay yihiin ciyaaro nadiif ah, wiilasha wada ciyaarayaa in aanay isku xanaaqin, inay guusha iyo guul darada kala aqbalaan, “libtu maalina aday ku raacdaa maalina qayrkaabay raacdaa,” nin guul darro aqbali waayey guulna ma aqbalo, guulna ma helo. Ceeb ma aha in laga badliyo Koox ama gobol, laakiin waxa ceeb ah inuu xanaaqo hadii laga badiyo. Taageeryayaasha gobolada iyo kooxuhu waa inay anashax wanaagsan ku daawadaan ciyaaraha iyo inay taageeraan, inay xamaasad galiyaan kooxdooda ayaa loo baahan yahay, Aad baanu Xukuumad ahaan uga xunahay dhibaatadaas shalay ka dhacday garoonka Hargeysa Stadium waana mid si wayn dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland u damqaysa, waxa reeban falal gacan ka hadal ah iyo in xoog wax lagu maquuniyo, iyo in sharciga gacanta lagu qaato arinmahaasi way dhaceen laakiin waxaynu u baahan nahay inaynu dib ugu noqono bulshadeedna dhaqankeeda, Xukuumad ahaan arintaa cashar ayaanu ka qaadanaynaa, Bulshada waanu wacyi galinaynaa.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa dadweynaha ku waaniyey in lagu tanaasulo arrimahaasi waxaanu yidhi “ Arimahaasi siday wax u dhaceen baadhis rasmiya ayaanu gacanta ku haynaa ka hor dhici mayno, hasayeeshee si kooban oo hordhac hadaan u cabiro waxa maanta halkaa Cusbitaalka yaala dhaawacii aniga oo uga mahad naqaya Agaasimaha Cusbitaalka, dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka oo si wayn isaga xilsaaray dadka waxyeelooban in loo adeego, dadka halkan la soo dhigay waxay u badan yihiin ciidamadii amniga ilaalinayey, taasi waxay ka markhaati kacaysaa in dawladani aanay ahayn dawlad dadkeeda laysa, naxariis daran oo cadow ah. Hadii maanta Xukuumadani aanay ahayn mid naxariis badan oo dadkeeda u tudha, waxa  halka ooli lahaa maydad badan iyo dhaawac badan, waayo garoonka Kumanaanka qof ku jireen ee fawadadaasi ka dhacday waad garan kartaa, shalay hadana ciidamada amnigu gacanta ku dhigin xaaladu sidan ay ka xumaan lahayd, fool xumo wayn oo amaniga dalkeeda khatar galisa ayaa ka dhici lahay, oo caabuq iyo colaad reebta.waxaanu u hambalyeynaynaa ciidmada qaranka doorkii ay arintaa shalay ka qaateen, aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa si caqli qabta oo geesinimo leh ayey arintaa shalay u maareeyeen, ma qabno inay canaan leeyihiin waayo waxa tusaale ku filan cida taala Cusbitaalka, Sadex iyo Sodon askari oo taliye ku xigeenkii boolisku ku jiro ayaa dhaawac ah, Gen. Fooxle oo isagu aan halkan ool, iyo laba iyo toban qof oo shacab ah, 12 kaa qof sadex kaliya ayaa xabad qabta.”

Gabogabadiina Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa balan qaaday in Xukuumadu ay bixinayso dhamaan kharashaadka daaweynta dadkaasi waxaanu yidhi “ Dadka dhaawacmay dhamaantood waa dadkayagii daryeelkooda caafimaad Xukuumad ahaan masuul ayaanu ka nahay, gacanta ayaanu ku haynaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa noogu oday ah isagaaa noo soo diray, dadkaasi waxaan ILAHAY ugu rajaynayaa inuu caafimaad kaamil ah siiyo. dhamaantiid waa mahad san tihiin.”

WA-BILAAHI TAWFIIQ

Naasir Yuusuf Daahir 

Secretary Office Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland

Email: naska2007@hotmail.com

            nasirnaska77@gmail.com

Tell: 63-4423774

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

http://www.somalilandnation.net/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.