Wasiir Cabbaas: Shakhsi Muhiim Ah oo Ka Baxay Qaranka

Muqdisho (Warsoor) Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka tacsiyeynaysaa geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabbaas Siraaji oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Marxuumka waxaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay qaranka Soomaaliyeed oo idil. Geeridiisa aad bey noo wada taabatay.

Dowladda Soomaaliya waxay u xaqiijineysaa qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabkaba in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono falkan. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa la marsiin doonaa sharciga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga la socda ee ku sugan magaalada Adis Ababa waxay soo gaabiyeen booqashadii ay halkan ku joogeen, waxa ayna maanta dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan aaska qaran ee loo sameynayo marxuumka.

Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin

Innaa Lilaahi Wa innaa ilayhi raajicuun

Cabdinuur Maxamed Axmed
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho-(Warsoor)-:-Wasiirkii Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabaas Sheekh C/laahi Siraaji ayaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dilka Wasiirkii howlaha guud waxaa xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Eng C/raxmaan Cusmaar “Yariisoow” oo isagu shaaciyey in baadhitaan lagu hayo kooxihii falkan dilka ah ka dambeeyey kuwaasi oo ay hay’adaha ammaanku gacanta ku hayaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay si rasmi ah war faah faahsan uga soo saarto dilka Wasiirka iyo sida uu u dhacay.

Marxuum Cabaas Sheekh C/laahi Siraaji ayaa sidoo kale ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyey Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.