Wasiirkii Arimaha Dibadda Somaliland oo Ka Muquurtay Fadhigii Labadda Gole ee Maanta

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire ayaa saaka ka muquurtay fadhigii labada gole ee Somaliland uu madaxweynuhu khudbadda kaga horjeediyey si loo ansixiyo heshiiska saldhgia milatari ee magaalada Berbera.

Wasiirka oo ka mid ahaa wasiiradda difaacayey heshiiskan ay xukuumaddu doonayso inay saldhig milatari ku siiso dawladda imaaraadka carabta ayaan saaka lagu ka muuqanin saaka hore ee ay soo fadhiisteen wasiiraddii mashruucan taageersanaa ee madaxweynaha ku wehelinaayey fadhiga maanta.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa la sheegay inuu xalay go’aansaday inuu iska casilo xilka wasiirka Arimaha dibadda iyadoo la sheegay inuu saluugay qodobadda heshiiska, balse waxaa guntiga u xidhay xubno ka mid ah odayaashiisa kuwaasi oo ku anciyey in aanu xiligan gudbin iscasilaadiisa.

Wasiirka ayaan illa hadda ka hadlin sababta keentay in aanu soo xaadirin kulankan iyo wararka sheegaya inuu iscasilaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.