Wasiirka Wershadaha Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyey Madaxda Laamaha Xisbiga ee Togwajaale

Togwajaale – (warsoor) –  Wasiirka wasaaradaha Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Ayaa Kormeer Hawlaha Dardargelinta xisbiga Kulmiye  ku Tagay Magaalooyinka Gabiley Iyo Togwajaale.

img_6570

Wasiirka oo ku Guda Jira Hawlaha dardargelinta Xisbiga kulmiye ee Wajaale Ayaa Hadhimo Sharafeed baaladhan waxaa uu u Sameeyey Madaxda iyo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Degmada Togwajaale kuwaasi oo iyaguna dhankooda Si Balaadhan usoo dhoweeyey Wasiirka Wershadaha.

Wasiirku waxaa uu Kulamo la qaatay Madaxda Laamaha Kala duwan ee Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye ee Degmooyinkaasi waxaana uu Wasiirku Ka dalbaday inay Labanlaabaan Dardargelinta Hawlaha Xisbiga Kulmiye oo uu Sheegay inuu Taageero Miisaan Leh ku leeyahay Degmooyinkan isla markaana Lagu Xasuusto Cududii ay ku Biiriyeen Xisbiga Kulmiye Doorashadii uu kusoo Baxay ee Dhacday sanadkii 2010.

Wasiir Shacayb Maxamed Muuse  Waxaa uu Sidoo kale Taageerayaasha Xisbiga ku Wareejiyay Calamada Astaanta u Ah Xisbigaasi iyo Agabyo kale oo kala Duwan Waxaana uu Yidhi Isagoo Ka hadlaya arimahaasi.

“Maanta Waxaa aynu Joognaa Magaalada togwajaale waxaana aynu kula kulmaynaa Masuuliyiinta Laamaha kala Duwan ee Xisbiga Anagoo Iska  Xogwaraysanay Sidii Xisbiga Boodhka looga Tumi lahaa Maadaama ay inagu soo dhow Yihiin Hawlihii ololaha ee Xisbiga Waxaana aanu isku Afgaranay inaan Xoojino Sidii Hawshaas aan u qaban lahayn masuuliyiinta xisbiguna waa ay nala qaateen qorshahaas”.

Wasiirka Wasaarada Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse  Ayaa Mudooyinkii u danbeeyey waxaa uu ku hawlanaa Sidi uu Boodhka uga Tumi lahaa Dhamaanba Laamaha Kala Duwan ee Xafiisyada Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Ku Leeyahay Deegaamada Gobolka Gabiley Gaar ahaana Togwajaale Iyo Magaalada Gabiley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.