Wasiirka Waxbarashadda oo soo Bandhigay Tirooyinka Dadkii Xannuunka Covid-19 laga Helay Saddexdii Bilood ee u Dambeeyey

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Mudame Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa uga digay bulsha weynta Somaliland khataraha ka iman kara xannuunka Corona Virus oo waqtigan caalamka faro baas ku haya.

Wasiir Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) waxa uu tilmaamay in bishii July laga baadhay xannuunka Corona Virus dad gaadhaaya Lix kun iyo sagaal iyo sideetan qof, waxaanu cadeeyey wasiirku in xannuunka laga helay 27 qof, iyada oo ay dhinteen laba qof.

Wasiir Toorno waxa uu sheegay in bishii August la baadhay dad tiradoodu gaadhayso 8,996, iyada oo xannuunka laga helay 261 qof,iyada oo tiradda dhimashaduna noqotay 26 qof.

Bishii September dadka la baadhay ayuu Wasiirku tiradooda ku sheegay 11,953 qof,iyada oo dadka laga helay ay noqdeen 1,803 qof.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) waxa uu usoo jeediyey dhammaan bulshadda reer Somaliland, gaar ahaana Bahda Waxbarashadu in ay qaataan talaalka Xannuunka Corona Virus.