Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo kulan xog-waran ah La yeeshay Kormeerayaasha Wasaaraddaasi

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa kulan xog-waran ah ka dhegaystey kormeerayaal xog ka soo ururriyey Dugsiyadda Dawliga ah ee dalka.

Masuuliyiintan oo ka koobnaa laba kooxood oo min afar xubnood ah ayaa loo kala diray dugsyada dawliga ah ee ku yaala goboladda bari iyo kuwa Galbeed ee dalka si ay xog dhaba ah uga soo ururriyaan dugsiyadda si wax looga qabto duruufaha iyo caqabadaha haysta dugsiyadaasi. Kormeerkan oo qaatay mudo 25 maalmood ah waxa la bilaabay horantii bishan afraad ee 2016-ka, waxayna soo gabagabeeyeen todobaadkan aynu ku jirno. Kormeerkan oo ahaa mid kedis ah oo aan hore loogu sheegin dugsiyadda la soo marayo ayaa saraakiisha kormeerku si kedis ah uga dul dageen qaar ka mid ah dugsiyadda dalka. Kulankan Xog-waranka ah oo ka qabsoomay hoolka shirarka Xarunta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ayaa waxa goob joog ka ahaa Madaxda Waaxaha Wasaaradda Waxbarashadda.

Wasiirka_Waxbarashadda_Somaliland

Ugu horeyn waxa kulankaa warbixin dheer ka hor akhriyey Gudoomiyaha Kormeerka Goboladda Bari Mudane Maxamed Xasan Deri, waxaanu sheegay in ay soo mareen 40 dugsi oo iskugu jira kuwa Sare iyo kuwa Hoose, waxa kale oo uu Gudoomiyuhu xusay in ay la kulmeen 155 macallin oo wax ka dhiga dugsiyaddaasi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa;  Anagu waxa aanu ahayn kooxda Goboladda Galbeed, waxanan hawlgal-kayagan ka bilawnay magaaladda Sheekh ee Gobolka Saaxil ilaa Boon, inkasta oo aanaan soo marin dhinaca xeebaha laakiin waxan soo marnay dugsiyo ku kala yaala 7 Gobol oo kala ah; Saaxil, Bariga Maroodi Jeex, Galbeedka M/Jeex, Hawd, Gabiley, Selel iyo Awdal, markii aan dugsiyaddaa booqanay waxan fadhiisanay xiisadaha fasalada ka socday kuwaas oo ay bixinayeen 155 macalin oo wax ka dhiga dugsiyada Goboladaa ku yaala waanan fadhinay ilaa macalinku xiisada uu soo gabagabaynayo.

Waxan diirada saaraynay Waxdhigista iyo Waxdhigashadda, waxan raacaynay foomka Tusaha Waxbarashadda oo ka kooban shan qodob oo kala ah; 1.Fahamsanaanta Macalinka Mihnadiisa Barenimo, 2.Qorshaynta Casharka 3.Mashquulinta Ardayga fasalka dhexdiisa, 4.Maamulida Fasalka, 5.Qiimaynta iyo Dabagalka Ardayga.

Waxyaabihii nooga soo baxay kulamadaa waxa ka mid ahaa; in ay ku liiteen macalimiintu labada qaybood oo kala ah; Qiimaynta iyo Dabagalka Ardayga iyo qaybta Qorshaynta Casharka. Waxyaabaha kale ee iyaguna kormeerkaa nooga soo baxay waxa ka mid ahaa; dhinaca dirayska (Uniform) oo aan midaysnayn, Xiisadaha oo dugsiyadda qaar dhigtaan 5 shan xiisadood qaarna 4 xiisadood kuwaas oo u baahan in la mideeyo si ardayda dalku iskula jaan qaadaan, waxa kale oo iyana kormeerkaa nooga soo baxday in ay dugsiyaddaasi ku liitaan dhinaca laabka (Libratory)  oo aanay dugsiyada qaarkood haysan kuwa haystaana aanay jirin macalimiin ku tababaran oo ardayga fahamsiin kara, waxa iyana jirta in aanay dugsiyadeenu lahayn diiwaan fasal oo sheegayey ardayga iyo macluumaadkiisa, iyana waxa jiray in aanay macalimiintu aanay tababarnayn iyo kaalintii waalidka oo guud ahaanba ka maqanayd dugsiyada iyo qalabka waxbarasho oo aan ku filnayn.

Sidaa darteed waxan talo ahaan ku soo jeedinaynaa:- 1.In tababar maamul la siiyo maamulayaasha dugsiyadda, 2.In dugsiyadda loo sameeyo Gudiyo waalidiin oo la socda xaaladda dugsiga iyo ta ardaygaba, 3.In la joogteeyo kormeeradda tayeysan ee lagu soo marayo Dugsiyadda, 4.In tababar joogta ah la siiyo macalimiinta, 5.Indugsiyadda la siiyo agabka waxbarashadda, 6. In laga hagaajiyo fayo dhawrka deegaanka Dugsiga iyo 7.In la cayimo xiisadaha la dhigayo iyo saacada ama wakhtiga xiisad walba socon karto.

Waxa isaguna hadal kooban ka soo jeediyey Saleebaan Cabdilaahi Ismaaciil oo ka mid ahaa xubnihii soo kormeeray gobolada Galbeedka isla markaana ah Gudoomiye Ku xigeenka kormeerka Goboladda bari, waxaanu sheegay in arrintan uu wasiirku ku kala beday kormeerayaasha dalku ay ahayd mid guul ah sababta oo ah waxan ahaa nin aan laga baqayn oo ay u arkayeen uun nin soo booqday dugsigii uu jaarka la ahaa laakiin kormeerkani waa ka duwanaa kaas oo waxan dareemaynay dawladnimo iyo kala danbayn dhab ah. Waanan ku ku amaanayaa kuna boorinayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda in uu arrintan oo kale joogteeyo si loo tayeeyo waxbarashadda dalka. Wixii uu ku wanaagsanaa macalinka iyo maamuluhuba markii aan u sheegnay waxa kale oo aan farnay in uu hagaajiyo wixii ka qaldanaa.

Waxa isaganu xogtii ay ka soo ogaadeen dugsiyadda bariga ka hor akhriyey Mudane Cilmi oo ah xubin ka mid ah kormeerayaashii Bariga dalka soo maray waxana hadalkiisii ka mid ahaa;  waxa anaga la noo asteeyey in aan soo kormeero seddex Gobol oo kala ah; Gobolka Togdheer, Gobolka Daad Madheedh iyo Saraar. Kormeerkayagu muu ahayn mid cidi ka warhaysay, waxan si kedis ah uga dul degaynay hadba goobta aanu ku jihaysanahay. Dugsiyadda aanu xulanay tiradoodu waxay ahayd 22 dugsiyo Hoose Dhexe ah iyo 9 Dugsiyo Sare ah, waxanan taganay dugsi kasta marka ay sidaa fasalada ardaydu u galaan xubin kasta oo naga mid ahiba waxay fadhiisanaysay fasalo kala duwan isagoo xaga danbe ee fasalkaa kursi dhiganaya si uu ula socdo nidaamka macalinku casharka u bixinayo iyo dhaqdhaqaaqyadda ka socdo fasalka dhexdiisa.

Waxyaabaha nooga soo baxay kormeerkaa waxa ka mid ahaa in uu liito kormeeradda heer gobol iyo heer degmo labaduba, waxyaabaha ay maamulayaashu noo sheegeen waxa ka mid ahaa in ay yaryihiin macalimiinta tababaran ee si wacan casharadda u bixin kara.

Waxyaabaha aan ka xusi karo ee aan ku soo aragnay hawlgalkayagan waxa ka mid ahaa in ardaydu is dul buuxiyeen oo fasalkii ay fadhiyaan boqol arday taas oo dhib ku ahayd in macalinku wada gaadhsiiyo ardayda casharka uu bixinayo, tusaale ahaan dugsiga sheekh Ibraahim fasalkiisa ugu yar ardayda tiradoodu waa todobaatan arday, tirada ardayda dhigataana guud ahaan waxa weeyi ilaa shan kun oo arday dhulkuna wuu ku yar yahay.

Caqabadaha kale ee aan soo aragnay waxa ka mid ah mushaharka macalimiinta oo aan ahayn mid ku filnayn, arrintaasina waxay keentay in aan macalimiinta mooralkoodu aanu wanaagsanayn. Buugta wax looga dhigo ardaydu guud ahaan dugsiyaddaa way ku yaraayeen.

Dugsiyadda ku yaala goobaha miyigu waxay ku sugan yihiin marxalad aad u adag oo aanay maarayn Karin maamulayaasha dugsiyaddaasi sababtaasi oo ah xiliyadda abaaraha iyo jiilaalku adkaado bulshaddii way ka hayaamayaan goobtii dugsigu ku yaalo, sidaa darteed waxan soo jeedinaynaa in goobaha miyiga dugsiyadooda laga dhigo dugsiyo boodhin ah oo ardaygii ku noolaan karo marka qoyskoodu  hayaamo.

Waxyaabaha gurmadka u baahan ee aan soo araganay waxa ka mid ah dugsiyaddii oo ay yeesheen rag maamulayaal ah sidaa darteed waxay dugsiyaddeena qaar ka mid ahi u baahan yihiin in hub ka dhigis lagu sameeyo oo maamulayaashan iska yeeshay loo sheego in dugsigani yahay mid ummadda ka dhexeeya.

Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Yuusuf Axmed Cali ayaa isaguna shirkaa ka soo jeediyey khudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taabanaysa waxa hadalkiisii ka mid ahaa; waynu isla wada garanay in Kormeerkii aad u liito taa macneheedu waxay noqonaysaa waxbarashaddii dalku waxay ku sugan tahay halis haddaynaan wax ka qabana horseedi karta in wasaaradeenii guul daraysato, sidaa darteed waxan dhammaanteen u soo jeedinayaa in aan dedaalo oo aan guntiga dhiisha iskaga dhigno oo aan dalkeena iyo dadkeena si daacad ah ugu adeegno.

Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in aan samayno ka wasaarad ahaan dugsiyo xul ah oo kudayasho mudan (Model Schools) inagoo ka soo xulanayna ardayda fasaladda 8-aad dhammaysa kuwooda u sareeya dabadeedna laba dugsi lagu kala xereeyo si aan ula tartano dugsiyadda gaarka loo leeyahay, waa inagu ceeb in sanad walba kaalmaha hore ay imtixaanka shahaadiga ah galaan arday ka socota dugsiyada gaarka loo leeyahay, markaa waxa magac weyn noqon doonta marka ardaygu yidhaa dugsigaa baan ka soo baxay lagu qanco aqoontiisa ardayda kalena waxay u noqon lahayd meel uu hiigsado si uu uga mid noqdo.

Gudiyadan waxa halkaa lagu weydiiyey su’aalo ku saabsan kormeerkaa ay soo sameeyeen waxaanay halkaa kaga jawaabeen dhammaan su’aalihii la weydiiyey dhammaantood.

Ugu danbayn waxa shirkaa soo afmeeray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane waxaanu u mahad naqay kooxahan kormeerayaasha ah ee soo maray dugsiyo kala duwan oo goboladda dalka ku kala yaala, waxa kale oo uu dardaaran iyo hadalo guubaabo ah u soo jeediyey dhammaan hawlwadeenada Wasaaradda Waxbarashadda isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa ka mid ahaa; wayno ka warhaynay baahiyahaa ay kormeerayaashani ku soo arkeen goobahaa kala duwan ee ay soo mareen laakiin ujeedadeenu waxay daaranayd sidii aan si dhaba u xaqiijin lahayn xaaladaha iyo caqabadaha ka jira dugsiyadda dalka si aan ugu xisaabtano oo aan mustaqbalka qorshe wax lagaga qabanayo samaysano. Kormeerkan waxa guud ahaan la soo maray 70 dugsi, kan kii ka horeeyeyna waxa la soo kormeeray 1000 dugsi waxanan ka soo saari doonaa labadaa kormeer qorshe wax lagaga qabanayo baahiyaha iyo caqabadaha haysta dugsiyada dalka.

Waxan farayaa dhammaan masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda in ay u diyaar garoobaan sidii aan wax uga qaban lahayn baylahda taala goobaha waxbarashadda ee dalka. Waxan sii joogtayn doonaa kormeerada noocan oo kale ah si aan xog dhaba uga hayno goobaha waxbarasho ee dalkeena, sidaa darteed waxan u soo jeedinayaa masuuliyiinta Wasaaradda in ay shaqada si daacadnimo iyo hawl karnimo leh u gudano haddii kale aynu u banayno dhalinyaradan tahriibaysa, waan ogahay in kharashka iyo dakhliga lagu shaqaynayaa aanu inagu filnayn laakiin taasi ma noqonayso mid cudur-daar inoo noqonaysa, waa in aan samaynaa dedaal naf hur ah oo aan ugu adeegayno ummadeena. Kormeerkan hawl iyo kharash baa ku baxay dhib baa loo maray sidaa darteed noqon maayo mid meel la iska dhigo oo aan waxba lagaga camal falin, waa in uu noqdaa mid si dhab ah looga jawaab celiyo taagi meel ay ina dhigtaba. Waxan mar labaad u mahadnaqayaa xubnaha kormeerkan soo sameeyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.