Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSL oo la Kulmay Wasiirka Waxbarashada Kenya

KENY – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSL Md. Axmed Maxamed Diiriye ayaa la Kulmay Wasiirka Waxbarashada Kenya Prof. George Albert Magoha.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xidhiidhka Waxbarasho ee labada dal, iyada oo ay kulankaas ku wehelinayeen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Kenya, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee WW&S JSL iyo Safiir-Kuxigeenka JSL ee Kenya Sharmake Geelle.

Waa markii ugu horraysay ee Wasiir Waxbarasho oo JSL ahi la kulmo dhiggiisa Kenya.