Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Daahfuray Kullan Laggaga Hadlayey Dib U Eegista Wax Qabadkii Sannadkii Hore Iyo Qorshaha Sannadkan 2021

Hargeysa – (WARSOOR)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacy’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa magaalada Hargeysa ka daahfuray kullan dib loogu eegayo waxqabadkii  wasaaraddaasi ee 2020 iyo qorshaha ay ku shaqayn doonto sannadkan 2021.

Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda waraafinta Cabdiqaadir Dayib Askar, ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii wasaaradda ee sannadkii hore iyo qorshaha sannadkan 2021 ay wasaaradda warfaafintu ku shaqayn doonto.

Sidoo kale, agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ayaa kulankaas ku soo bandhigay waxyaabaha uga hirgalay qorshihii sannadkii 2020.

 Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, oo kullankaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshaha cusub ee ay soo diyaarisay waaxda qorshaynta ee wasaaraddu, waxaanu madaxda waaxyaha u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan sidii qorshahaas cusubi u hirgali lahaa.

Waxa kale, oo kullankaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa sharaxaad ka bixiyay caqabadaha ka hor yimi qorshihii hore ee wasaaraddu dajisatay sannadkii 2020, iyo muhiimada ay leedahay in qorshaha cusub ee sannadkan laga feejignaado caqabadahaas, iyada oo qorshan cusbina yahay mid keeni doona isbedel dhinacyo badan leh oo lagu samayn doono shaqada wasaaradda warfaafinta.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa sheegay in qorshan cusubi yahay mid keenaya in la qalabeeyo qaybaha kala duwan ee wasaaaddu ka kooban tahay, korna loo qaado shaqada ay bulshada u hayaan waaxyaha kala dauwan ee wasaaraddu, si ay ula tartamaan warbaahinta caalamka, waxaanu intaas ku daray in madaxda sare ee wasaaradda ay ka go’an tahay hirgalinta qorshahaas cusub ee ay wasaaraddu ku shaqayn doont sannadkan 2021.