Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminaayo Oo Booqday Xudun

Laascaanood (WARSOOR) โ€“ Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wefti uu hoggaaminaayo ayaa soo kormeeray dawladda hoose ee degmada Xudun ee gobolka Sool iyo goobo kale.

Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka dawladda hoose ee degmada Xudun, isagoo wasiirku soo indho indheeyay qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay dawladda hoose ee degmadaasi, waxaana shirar gooni gooni ah uu la yeeshay maamulka degmada, isagoo sidoo kale soo kormeeray saldhigga booliska ee degmada Xudun.

Maayarka degmada Xudun Maxamed Jaamac Xirsi iyo ku xigeenkiisa  Cabdinaasir Cabdiqaadir ayaa ugu horreyn wasiirka warfaafinta warbixin ka siiyay xaaladda degmada, iyagoo sheegay in saldhigga booliska ee degmada Xudun uu u baahan yahay qalabayn iyo gaadiid, si uu uga shaqeeyo dhulka ballaadhan ee ay xukunto degmadu, waxaana ay intaas ku dareen in dawladda ay ka codsanayaan inay qalabayso xafiisyada saldhigaasi oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabto degmadu.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa bulshada deegaanka Xudun ku ammaanay nabadgalyada iyo horumarka ka muuqda deegaankooda, waxaana uu sheegay in dawlad ahaan ay kala shaqayn doonaan wixii baahiyo ah ee ay qabaan.

Wasiirku waxa uu intaas raaciyay in bulshada deegaanka Xudun ay ka muuqato diyaar garaw weyn oo dhanka horumarka iyo ilbaxnimada ah, sidaas awgeed baahiyaha ay qabaan ay gaadhsiinayaan hayโ€™adaha dawladda iyo masโ€™uuliyiinta ku xilka leh.

Wasiirka warfaafinta Mr. Koorre waxa uu ugu baaqay bulshada Xudun inay illaashadaan wada jirkooda isla markaana ay halkaasi kasii wadaan dedaalka iyo ilbaxnimada ka muuqata degmada.