Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wecyi’gelinta Jsl oo ka hadlay Hawlgalka Nadaafada Caasimadda Hargaysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyi’gelinta JSl oo qayb ka ahaa weftiga madaxweynaha ee kormeerka ku marayay degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa ayaa ugu baaqay bulshada ku nool magaalada Hargeysa inay ka wada qayb qaataan nadiifinta caasimadda.

Waxaana uu ugu baaqay muwaadin kasta oo ku nool Somaliland inuu nadiifiyo goobtiisa si looga baaqsado qashin is gaadha oo hadhaw dhibaato caafimaad oo weyn keena, isagoo u mahadceliyay dadweynihii maanta kasoo qayb galay ololahaasi nadaafadeed.

Dhinaca kale, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weyci’gelinta Jsl mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo isna ka qayb galay ololaha nadaafadda ee laga fulinayay dhammaan degmooyinka ay Hargeysi ka kooban tahay ayaa sheegay wasaarad ahaan inay kaga qayb qaadanayaan sidii loo tebin lahaa wararka iyo isku xidhka weycigelinta ku aaddan ololaha nadaafadda, oo uu sheegay inay siin doonaan ahmiyadda ugu weyn. Agaasimuhu waxa uu ugu baaqay bulshada kale ee aan ka qayb gelin ololahaasi inay ka qayb qaataan ololayaasha soo socda ee lagu nadiifinay magaalada, si la iskaga nasiyo.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barokacayaasha qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha hay’addaasi ay ka qayb qaadanyaan ololaha nadaafadda ee Caasimadda Hargeysa. iyagoo ololahaasi ka fuliyay agaagarka xerada ciidanka ee Birjeex.

Waxaana uu tilmaamay in ololaha nadiifintu uu yahay waajib saaran cidkasta oo u dhalatay Somaliland oo aan lagu eegin oo keliya shaqaalaha dawladda hoose.

Geesta kale, guddoomiyuhu hay’adda qaxoontiga iyo barokacayaasha qaranka waxa uu ugu baaqay bulshada in laga wada qayb qaato ololaha lagu nadiifinaayo caasimadda Hargeysa.

Ciidanka dabdamiska ee caasimadda Hargeysa ayaa iyaguna ololaha nadaafadda ka fuliyay biriishka labaad ee caasimadda Hargeysa. Taliyaha ciidanka dab damiska Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa sheegay in ciidanka dab damisku ay ka nadiifiyeen ciiddii dul tuulnayd biriishka labaad ee Hargeysa, taasoo awday iliilidihii ay biyuhu ka baxayeen, isagoo tilmaamay in biriishka labaad ay ciidanku ka dhigeen goob nadiif ah oo aan biyuhu ku hakanayn.

Geesta kale, taliyuhu waxa uu kula dardaarmay shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa inay u soo baxaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ololaha nadiifinta caasimadda Hargeysa.