Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo qaabiley wafti ka socotay shirkadda dhismaha ee China Railway Contruction Co. LTD

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabiley wafti ka socotay shirkadda dhismaha ee China Railway Contruction Co. LTD.

Weftigan waxa horkacayey badhasaabkii hore ee Gobolka Sanaag Eng Axmed Timacadde.
Ujeedka safarkooda ay dalka ku imaadeen oo ahaa sidii ay u heli lahaayeen xog iyo tilmaam ku filan sidii ay u maalgashan lahaayeen.
Waxeyna wasaaradda u imaadeen sidii ay u ogaan lahaayeen sida wax loo maalgashado iyo halka laga bilaabayo. Madaama wasaaraddu qaranka uga masuultahay maalgashiga khayraadka dihin ee wadanka ka jira.

Dhanka kale booqashadan ay wasiirka wasaaradda ugu yimaadeen ahayd isbarasho iyo in xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya maalgashatada wadanka China iyo dawladda Somaliland ay sii socon lahayd.

Ugu dambayntii kula ku wuxuu kusoo dhamaadey is afgarad iyo in shirkadu iska diiwaangaliso kana faa’ideysato fursadaha wadanka ka jira ee maalgashi.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha

Website: https://moiid.govsomaliland.org
Twitter: https://twitter.com/SomalilandMOIP