Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Ee Somaliland Oo Hawlgal Ka Bilaabay Gobollada Saraar Iyo Togdheer

Hargeysa – (WARSOOR) โ€“ Wasiirka wasaaradda deegaanka ee Somaliland Shukri Ismaaciil Baandare oo ay weheliyaan wasiirrada caddaaladda, xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ayaa gobolka Saraar ka bilaabay hawlgallo lagula dagaalamyo xaalufinta deegaanka.

Hawlagalkan oo bilaabmaya siday sheegeen masโ€™uuliyiintaasi maalmaha soo socda ayaa waxa fulin doona ciidamada ammaanka ee gobollada Togdheer iyo Saraar, waxaana lagu qab qaban doonaa cidkasta oo ku hawlan xaalufinta deegaanka iyo waxkasta oo keenaya dabargoโ€™a deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Badhosaabka gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji Axmed ayaa sheegay in maanta ay u qalab qaateen sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada aan joogsiga lahayn ee lagu hayo deegaanka, waxaana ay tilmaameen in gacan bir ah lagu qaban doono cidkasta oo lagu qabto, iyagoo gacanta kula jira dambi ka dhan ah deegaanka Somaliland.

Waxaana ay intaas ku dareen in hawlgalkan lagula dagaalamayo xaalufku uu yahay mid ballaadhan oo laga fulin doono guud ahaan Somaliland, isagoo barnaamijkani uu ka yimi dawladda dhexe ee Somaliland, si loo illaaliyo deegaanka iyo noolaha kale ee ku nool.

Geesta kale, waxay ugu baaqeen bulshada in dawladda lagala shaqeeyo isla markaana la taageero sharciga deegaanka ee Somaliland, oo laga wada hortago dhibaatada dhuxulaysiga iyo xaalufku ku hayo deegaankeenna.