Wasiirka Wasaaradda Cadaalada JSL Oo Ka Hadlay Ka Ilaalinta Maxaabiista Ee Covid -19

HARGEYSA – (WARSOOR)  – Wasiirka oo la hadlaayay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in gobollada dalkaa ay u direen koox soo baadha isla markaana soo qiimaysa xaaladda jeelasha dalka iyo maxaabiista ku xidhan, waxaana uu sheegay in kooxdaasi ay soo dhameeyeen hadda gobollada bari ee dalka isla markaana ay hadda ku maqan yihiin gobollada galbeed ee dalka.

Dhanka kale, wasiirku waxa uu sheegay in ay hakiyeen booqashooyinkii faraha badnaa ee maxaabiista xaaladda xanuunka Covid-19 awgeed isla markaana ay hadda ku dedaalayaan sidii shaybaadh iyo dawooyin loo gaadhsiin lahaa xabsiyada iyo jeelasha waddanka. Wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed waxa uu intaas ku daray in wasaaradda horumarinta caafimaadka ay ka wada shaqaynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa arrimaha caafimaadka isla markaana looga hortagi lahaa xanuunka Covid-19.