Wasiirka Wasaaradda Boosaha oo Warbixin siiyey Guddida Joogtada ah ee Gollaha Guurtida

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda Boosaha, isgaadhsiinta iyo Tiknoolijiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil ayaa mudanayaasha guddida joogtada ah ee golaha guurtida warbixin ka siiyay shaqada ay wasaaraddaasi qaranka u hayso.

Wasiirka wasaradda Boosaha, isgaadhsiinta iyo tiknoolijiyadda qaranka ayaa uga warbixiyay guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland taawarada tirada bidan ee shirkadaha isgaadhsiinta ee dalku ay adeegsadaan, isagoo sheegay in imikka wasaarad ahaan ay ka shaqeynayaan sidii mustaqbalka shirkadahaasi ay u wadaagi lahaayeen taawarada oo looga maarmi lahaa taawarada badan ee ay isticmaalaan. Wasiirku waxa uu intaas raaciyay inay gacanta ku hayaan qorshihii shirkadaha dalka lagu wadaajin lahaa taawarrada.

Geesta kale, wasiirku waxa uu faahfaahiyay gaadhi casri ah oo ay wasaaradda boosuhu ay leedahay kaasoo gobolka Maroodijeex oo keliya ka sahamiyay inay ku yaalaan 250 taawar oo ay adeegsadaan shirkadaha isgaadhsiinta ee dalku, isagoo wasiirku xusay in magaalooyinka waaweyn ee dalka oo dhan ay u diri doonaan sahamintaasi, waxaana uu xusay in sahaminta tan xigta ay ugu bixi doonaan gobolka Saaxil.

Wasiirka boosaha, isgaadhsiinta iyo tiknoolijiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil waxa uu mudanayaasha guddida joogtada ah uga xogwaramay dhibaatada ay dalka ku hayaan baraha bulshada oo uu xusay inay gacanta ku hayaan sharciyadii ay ku maamulayeen faldembiyeedyada Internet-ka.

Gebogebadii, wasiirka wasaaradda boosaha, isgaadhsiinta iyo tiknoolijiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil ayaa si waafi ah uga jawaabay su’aalihii kala duwanaa ee ay weydiiyeen mudanayaasha guddi hoosaadka guurtida Somaliland, isagoo guddoomiyaha guddi hoosaadka guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Dayib Xasan Axmed uu uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay wasaaraddaasi u soo ajiibtay dalabka mudanayaasha.