Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin oo Kulan la Qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan Xafiiska kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland (Civil Society Organisations), kulankan oo ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi xaalada guud ee dalka iyo arrinta Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin wuxuu warbixin dheer ka siiyey Ururada Bulshada Rayidka ah nabadgelyada dalka iyo sida ay Xukuumadda uga go’antahay in dhibaatada Magaalada Laascaanood ku dhamaato heshiin iyo hanaan nabadgelyo.

Dhinaca kale Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa dhinoocada Wasiirka warbixin ka siiyey aragtidooda ku saabsan in laga wada shaqeeyo nabadgelyada iyo horuumarka dalka, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin wada shaqaynta joogtada ah ee Dawladda iyo Ururada bulshada Rayidka ah, gaar ahaana Wasaaradaha ay wada shaqaynta leeyihiin ay ka mid tahay Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfaham buuxa jyo in loo wada shaqeeyo si ka dhow sidii hore, iyadoo Masuuliyiinta ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah ay uga mahadneqeen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed warbixin buuxda ee uu siiyey iyo kulan ay wada qaateenba.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, waxaa kulankan ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Mustafe Cali Bile, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.