Wasiirka Warshadaha oo Caano ku Caawiyey Dadka Abaaruhu Aafeeyeen ee Ku Sugan gobolka Gabiley

Gabiley – (warsoor) – Wasiirka warshadaha somaliland  mudane shucayb maxmed muuse ayaa maanta ku wareejiyay 365 kartoon oo caano ah isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobalka gabiley Md. Jimcaale Dahir si loo gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu aafeeyeen.

Isuduwaha caafimaadka ayaa isna ku wareejiyayay xoghayaha dawladda hoose ee degmada wajaale cabdilahi xasan samaale  shan iyo lixddan kan kartoon ee caanaha oo ah gaar ahaan kuwa lagu talo galay caruurta  ayaa ah arrin muhiima oo gacan weynka gaysan doonta dadka ay  abaaruhu sameeyen ee u baahan taakulada kuwaasi oo ku kala  filiqsan deegaamada gobolka gabiley ee ay kusoo hayaameen.

“Gobalkan gabiley  waxaa kusoo hayaamay dad badan oo ay abaaruhu soo barakiciyeen waxaana inoo keentay danta waana inagu waajib inaan ka qayb qaadano taakulo kasta noocay doontaba ha ahaatee mana aha waxtar weyn balse waa dhiirigelin iyo inaanu tusno inaan la qaybsanayno dadkaas walaalaheena ah dhibaatada abaaraha ee ay inoo yimi waxaana deeqdan yari wax ka taraysaa caruurta yaryar oo caano looga dhigay”ayuu yidhi wasiir Shucayb.

Dhinaca kale maaha markii ugu horeysay ee wasiirka warshadaha somaliland mudane shucayb maxmed muuse uu gacan ka gaysto dhinaca abaaraha ama dadka ku soo bara kacay gobalkan gabiley dhawaan uubay ahayd markii uu gaadhsiyay  dadka soo barakacay agab kala duwan una badan busta yaal  waxana lagu jiraa wakhtigii dhaxamaha

Wasiirka warshadaha somaliland mudane shucayb maxmed muuse oo ka mida wasiirada fara kutiriska ah ee da yarta ha ee ku jira xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxmed Maxmuud Siilanyo.

Iskuduwaha caafimaadka ee gobalka gabiley  ayaa uga mahad celiyay wasiirka deeqdan canaha oo uu sheegay in ay wax weyn ka tari doonta nafaqada dhinaca caruurta ugna mahad celiyay wasiirka warshadaha somaliland . waxa isna sidoo kale ka uga mahad celiyay wasiirka  warshadaha gargaarkan  uu soo gaadhsiiyaya dadkiisa xoghayaha dawlada hoose ee degmada wajaale mr cabdilahi xasan samaale oo ay ka mid tahay degmadiisu meelaha la gaadhsiin doono gargaarkan bani aadamnimo.

Sido kale waxa uu wasirku halkaa ka jeediyay hadalo muhiima waxna ka kid ahaa hadaladisii,waxan maanta halkan ku warejinayaa saddex boqol iyo lixdan kartoon oo ha caanaha gaar ka ah ee loogu talo galay caruurta taas aan ku wareejiyay bahda caafimaadka oo oo uu hormuud u yahay isuduwaha caafimaadka ee gobalka dr jimcaale iyo xooghayaha dawlada hoose ee degmada Wajaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.