Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Sucuudiga

Muqdisho – (warsoor)ย – Wafdigii uu hoggaaminayay wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa gaaray dalka Sucuudiga,halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda ugu sareysa dhinaca dalxiiska dalkaasi.

Sida uu Wakaaladdaย SONNA u sheegay agaasimaha waaxda Dalxiiska wasaaradda Warfaafinta C/risaaqย  Cabdi C/llaahi,Xubnaha ku soo dhaweeyey wafdiga wasiirka waxaa kamid ah madaxda safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Sucuudiga oo uu ka mid yahay xoghayaha koowaad ee safaaradda Saciid Maxamed Xaaji iyo
Manduubka safaaradda u jooga magaalada Damaam Mustafa Maxamed Buraali iyo xubno kale.

Waxay ka qeyb galidoonaan shir looga hadlayo arrimaha dalkaaska,kaasi oo ay martigelinayso dowladda Boqortooyada Sucuudiga,waana shirkii 22aad ee Wasiirada Dalxiiska ee Jaamacadda Carabta.

Wafdiga wasiirka ayaa inta uu joogo halkaasi wuxuu kulamo la qaadan doonaan madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi,iyagoo ka wada hadlidoona fursadaha dhinaca dalxiiska ah ee ka jira Soomaaliya.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.