Wasiirka Warfaafinta oo la Kulmay Masuuliyiinta Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta  Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay xafiiska dawladda Ingriiska ee Somaliland.

Kulankan oo ay  Wasiirka ku  wehelinayeen Agaasimaha Guud Maxamed Yuusuf Ismaciil,   Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Deeq Aw Cali Yuusuf iyo La-taliyaha Wasiirka Sucaad Daahir Maxamed,  waxa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeyntii hay’adaha dawaladda iyo kuwa caalamiga ah ee la dagaalanka cudurka COVID.

Wasiir Koore ayaa tafaasiil ka siiyey masuuliyiintaas  kaalinta Wasaaraddu ku leedahay wacyigelinta xannuunkan iyo kor u qaadista  wacyiga guud ee bulshada Somaliland.

Waxa kulankaas laba dhinacba ku balameen inay yeeshan shirar dambe oo lagu sii xoojinayo wada shaqeyntooda.