Wasiirka Tamarta Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa maanta xarunta safaaradda kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Mehemet Yilmaz.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka tamarta iyo maalgashigeeda,

Intii uu kulanka socday waxa ay labada mas’uul isla soo hadal qaadeen sidii loo dar dargelin lahaa wada shaqeynta Wasaaradaha Tamarta ee labada dal.