Wasiirka shaqa galinta oo magaalada Hargeysa ka furay kulan lagaga arrinasanayay siyaasadda shaqo abuurka qaranka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka shaqa galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka furay kulanka lagaga arrinasanayay siyaasadda shaqo abuurka qaranka.

Kulankaasi waxa kasoo qayb xubno kamid ah agaasimeyaasha guud ee wasaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Cabdirashiid Ibraahin Sh, Cabdiraxmaan agaasimaha guud ee wasaaradda shaqa galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland ayaa sheegay in kulankaasi lagaga hadlayay sidii loo wada hirgalin lahaa bilawga shaqo abuurka qaranka.

Xubno kamid ah agaasimeyaashii guud ee kulankaasi kasoo qayb galay ayaa tilmaamay in laga wada shaqeeyo qaran ahaan sidii loo heli lahaa shaqo abuur loona hirgalin lahaa siyaasadda guud ee shaqo abuurka qaranka.

Wasiirka shaqa galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland ayaa  Mustafe Godane Cali Bille ayaa sheegay in siyaasadda shaqo abuurka qaranka la sameeyay sanad kahor, iyadoo xiligan mushkiladda ugu culus ee dalka ka jirta u uku tilmaamay inay tahay shaqo la’aanta.

Wasiir Mustafe Godane Cali Bille ayaa sheegay inay la wadaageen wasaradaha ay quseyso iyo masuuliyiintooda sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen hawsha qaran ee shaqo abuurka.