Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo sheegay inay 7-dii sano ee Xukuumaddu taladda Haysay ay shaqaalaha dawladdu kordheern 135%

Hargeysa – (warsoor)  – Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somalililand Md. Aadan Xaaji Cali ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo ay ku qalin jabinayeen 145 arday oo ka mida shaqaalaha dawlada, kuwaas oo ka baxay Mac’hadka shaqaalaha dawladda (CSI).

Wasiirka Madaxtooyada oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka waramay isbadelada Xukuumadda ee dhinaca shaqaalaysiinta da’yarta iyo tayeynta aqoonta shaqaalaha dawaladda, waxaany Wasiirku yidhi “  Farxad weyn ayey noo tahay in aannu saaka halkan idinkala soo qayb galno xafladan qalinjabinta, ee ay ku qalinjabinayaan 145 arday oo ka mida shaqaalaha qaranka, kuwaas oo ka baxay Mac’hadka shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horayn waxaan jecelahay inaan halkan hambalyo iyo boggaadin ugu soo jeediyo dhammaan ardayda qalin-jabisay, lab iyo dhedig, hablo iyo wiilalba, waxaan leeyahay hambalyo, waxaad ku guulaysateen qayb weyn oo noloshiina ka mid ah.”

“Mar labaad waxaan jecelahay halkan inaan hambalyo iyo boggaadin ugu soo jeediyo madaxda, macalimiinta, dheemanka, agaasimaha guud ee mac’hadka shaqaalaha dawladda mudane Guuleed Saleebaan, oo xaqiijiyey himiladii qarankan ee waxbarasho qayb weyn oo ka mid ah, iyagana waxaannu leenahay Ilaahay ha idinka abaal mariyo, waad mahad-san tihiin.”

Wasiir Xaashi ayaa intaas ku daray “Waxa intaa dheer waxa muddan inaan iyagana hambalyeyno waalidiintii ku soo tabcay ardaydan shaqaalaha ahaa iyo lamaane-yaashood, iyaga oo laga yaabo in qaarkood iyagoo waalidiin ay yihiin inay waxbaranayeen, qofkii waalid  ah lamaanihii ku garab galay waxbarashadaa, intuba waxay mudan yihiin inaynu boggaadino. Guul weyn ayey inoo tahay ummadd ahaan in waxbarashadeena iyo horumarkeeduba uu kor u socdo, Umaddaha dunida ku nool ee ILAHAAY abuuray iyagaa is horumariya, Ilaahay isagaa arintaa qur’aanka ku sheegay oo yidhi “ Ilaahay cidna ma dooriyo ilaayo ay iyagu is dooriyaan.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena ka hadlay tayada aqoonta shaqalaha dawladda waxaanu yidhi “Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay mudaddii aanu dalka taladiisa haynay waxba kalamaanu hadhin kobcinta aqoonta iyo waxbarashada dalka, waxa lagayaaba isbadelka dhacay inaan xoog dadka qaarkiis u dareemin, hasayeeshee shaqaalaha dawladdu waa qayb ka mid ah, waxaannu kordhinay oo kor u qaadnay tirada shaqaalaha dawladda.”

Mudane Xaashi ayaa sharaxay xadiga shaqaalaha cusub ee Xukuumadda KULMIYE ay shaqaalaysiisay waxaanu yidhi “Waxaannu kor u qaadnay tayada shaqaalaha dawladda, hadaad tirada kordhiso oo aanay tayo lahayn, waxba qiimo ma laha, hasayeeshee tayada ayaanu kordhinay, waxaannu shaqaalaha dawaldda ugu nimid 6,915 shaqaale oo mudo 19 sano ah la shaqaaleeyey, waxaannu shaqaalaysiinay 9,416 qof oo shaqaale ah, maanta tirada shaqaalaha dawladda ee diiwaanka hay’adda shaqaalaha ku jiraa waa 16,375 shaqaale, waxay noqonaysaa xadiga u dhexeeya 19 sanno iyo todobadaas sanno 135% ( Boqolkiiba boqol iyo shan iyo sodon) ayaannu shaqaalaha dawladda kor-dhinay waa guul weyn oo qarankan u soo hoyatay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.