Wasiirka Madaxtooyadda oo Ka Hadlay Natiijadii Ka Soo Baxday Kulankii Xukuumadda iyo Culimadda Dalka

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in xidiidha adage e Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay la yeelatay Culimada dalka ay suuro galisay guulo qaran.

Wasiirka ayaa sidoo kalena tibaaxay in Xukuumadu ay xaqiijiay isu soo dhawaasho Culimada dalka dhexdooda ah, taas ay keenay siyaasada bisil ee Xukuumadda KULMIYE ay dalka ku hagtay.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena Culimada dalka ugu baaqay inay Xukuumadda ka gacan siiyaan sidii loo xoojin lahaa wada-jirka iyo midnimada dadka Somaliland, wakhtigan doorashooyinku inagu soo foodlee yihiin.

Wasiirka ayaa arrimahaasi kaga  hadlay khubadi uu shalay galab ka jeediyey casuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo qasriga madaxtooyada uu ugu samaayey Culimo ka socotay guud ahaan gobolada dalka waxaanu yidhi Wasiirku “ Sharaf weyn ayey noo tahay galabta in culimadii qaranka oo ah dadka ugu qiimaha badan bulshada Somaliland inuu maanta madaxweynuhu ku marti galiyo madaxtooyadii dalka looga talinayey, ujeedooyinka kulankan sanadlaha ah aynu had iyo jeer u qabano wuxuu salka ku hayaa in tallo iyo tusaale, culimadu ay nala wadaagaan, iyo is xogwaraysi, nuxurka ugu weyni waa sidaa.”

“Madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisu muddadii ay xilka hayeen waxa aannu xoog saarnay isku soo dhawaynta Xukuumadda iyo culimada oo ah umaradii ummaddan, ujeedada ugu weyn ee aanu ugu gol lahayna waxay ahayd in layska kaashado wanaaga, la wada shaqeeeyo, taas oo aan is leeyahay wax badan aynnu ku guulaysanay helitaankeedii, ummadda muslimka ah maanta dalal badan ayaa qalalaase ka jiraa, wadamadaas waa kuwo innaga dhaqaale iyo aqoon badan, oo qaarkood inaga dad badan yihiin, dhibaatooyinka haystaa waxa weeye qaybsan bulsheed ayaa ku dhacay, waxa kala lumay labeentoodii aqoontoodii iyo madaxdoodii, waxa kala lumay culimadoodii iyo madaxdoodii siyaasada waxa ay cagaha la galeen colaado, waxa ka dhex bilaabmay fikarado xagjir ah, waxa bilaabmay in dadkii culimada u ahaa ay qoryo qaateen oo maanta ay qasan tahay, Suuriya,Ciraaq, Liibiya, Masar ayaa buuq ka jiraa, iyo Yemen, waxaas oo dhamani waa colaado iyo fikrado qaybsi bulsheed ku yimid.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena yidhi “ Bini-aadamku isagaa colaadana abuura, nabaddana abuura, horumarkana abuura, dib u dhacana abuura, khibradaas ayaanu ku faa’iidaynaynaa, Xukuumadda xisbiga KULMIYE waxaannu aaminsan nahay in aanu nahay xukuumad waayo arag ah, siddeed sano mucaarid soo ahayd, bulshada ku dhawayd, waxaannu u aragnaa in aanu ummadda ururino, oo culimadeeda ururino, oo xidhiidh badan la yeelano, uma aragno xidhiidhka aannu culimada la yeelanayno inuu noqdo ugamana jeedno inay culimadu noo jaameeyaan ama ay manaahiijta ay masalooyin inooga baadh-baadhaan maaha muraadkayaga iyo xikmadayadu sidaa. Laakiin ay ahayd wixii aannu khayr wadno inay nagu garab galaan maadaama oo ay culimadii dalka yihiin, oo lixaadkii umadda yihiin, wixii aanu khaladnana bini-aadam baanu nahay ee in lala toosiyo waxaannu ogol nahay in nala toosiyo, waxaannu qirsanahay in aannu khaldami karno.”

Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay isu soo dhawaashah XUkuumadda iyo Culimada waxaanu yidhi “ Waxaan is leeyahay wax badan ayaa lagaga soo gudbay midowgii iyo isu-dhawaanshihii Xukuumadda iyo culimada, culimadana waxaanu aamin sanahay inay isku soo dhawaatay, Culimada qudheedu waa kala dariiqooyin, waxa laga yaabaa inay arrimaha qaar ku kala duwan yihiin, laakiin waxaanu qiraynaa inay bisayl badan culimaduu muujiyeen, isu soo dhawaadeen, laysu dul qaatay, Wasiirka diinta iyo awqaafta iyo culimada waaweyn ee dalka dhamaantood arrintaa waa ku bogaadinaynaa.”

Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi  ayaa sidoo kalena baaq u diray Culimada waxaanu yidhi “ Waxa aynu maraynaa wakhti adag oo aynu u baahan nahay inaynu midayno ummaddan aqoonteeda,  aragtideeda iyo maskaxdeeda, dalka waxa wakhti dhaw ka bilaabmi doona doorashooyin, hada iyo jeer waxa caado ah in marka doorasho loo dareero dadku way qaybsamaa, waxa kale oo soo kordhay bulshadii in reero loo kala saaro ama qaybyaalad ama reero, waxa aynu u baahan nahay hadaad tihiin culimada in aan ummadda la qaybin, Ummadda inaan qolo-qolo loo kal saarin, Ummaddu xisbiyo way kala noqon kartaa waanay kala taageeri kartaa, aqalka gudahiisa waa in lagu loolamaa laakiin aan wax la yeelin.arintaa waxaanu leenahay hadaa tihiin culimo awdiinkii dalka wax weyn ayaa nagal qaban kartaan, waliba ma tihidin daneeya yaasha, kuwa maanta damaca leh, eraygiinu waa mid weyn oo meel dheer ku dhacaya.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.