Wasiirka Madaxtooyada, ahna ku simaha Gudoomiyaha Guddida Abaaraha, oo deeq isugu jirta Raashin iyo Bal kala wareegeen Guddida Taakulaynta abaaraha ee Gobollada Galbeedka ee Awdal, Gabiley iyo Selel

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi, ahna ku simaha Gudoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Abaaraha Somaliland, oo ay wehelinayaan Xubnaha guddida abaaruhu waxay deeq isugu jirta Raashin iyo Bal ama Caws kala wareegeen maanta Guddida Taakulaynta Gobolada Galbeedka Somaliland ee Awdal, Gabiley iyo Selel.

Kulankaas oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland waxa ugu horaynba hadalka furay Sheekh Maxamed jaamac Dhawal oo ah guddoomiyaha Guddida taakulada Abaaraha Gobolka Awdal oo halkaa hadal ka jeediyey waxaanu yidhi “Maanta waxa aanu halkan ku wareejinaynaa raashin toban kun oo qoys ah (10,000) oo ay gobolada Awdal kuna caawinayaan walaalohooda gobolada bariga Somaliland, annagoo aad iyo aad uga xun uguna damqanayna, aadna u garab joogna, taageerayna ayaanu waxa aanu ku deeqaynaa maanta tobankaa kun ee qoys ee aanu walaalahayo u sidno oo aanu ku wareejinayno guddida abaaraha heer qaran oo halkan fadhida intiina kalena marag ayaanu idinka dhigaynaa, sidaana waxa noo soo igmaday gobolada galbeedka guddidoodii taakulaynta abaarta iyo salaadiintoodii iyo odayaashoodii dhaqanka wixii dambena walaalahayo waxba ka hagran mayno, waa la ag taaganahay kuwa noo yimidna waxbaan siinaynaa ka naga maqana waxbaan siinaynaa ”.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Xasan Yuusuf Warmahaye oo ka mida guddida taakulanta abaaraha ee gobolka Gabiley waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “marka hore waxa aan u ducaynaynaa dadka reer Somaliland meelkastay joogaan iyo dadka muslimiinta ahba Abaarta caamka ah ee saamaysay in Alle ka korqaado aad iyo aad ayaan ula damqanaynaa waa wixii sanadkii hore annaga na hayey oo maantana bari ka jira markii horena way nala qabeen xaqiiqatan balse way na dheer yihiin ilaahayna waxan ka rajaynayaa inuu si degdeg ah faraj khayr qaba inoogu keeno intaa hadaan ka gudbana annagoo ah Gudida heer gobol ee gobolka gabiley waxa aanu halkan ka cadaynaynaa in aanu gobolada bari ee uu ugu sokeeyo gobolka Togdheer ugu deeqno laba boqol oo gaadhi (200) oo bal ah amba caleen ah sida loo yaqaano, waxa kale oo aanu cadaynayaa Insha Allaahu raashinkii Turkiga ee caawimada ahaa markaanu aragnay duruufaha jira inkastoo aanan cadadkiisa halkan ka xusi Karin wixii na soo gaadhay ee qaybtayada ahaa in aanu walaalahayaga bariga kaga qayb qaadano culaysku anagaba waa na saran yahay balse kuwa noo yimid beerahayaga wixii ka baxa mar ayaanu shidaalka wada goosan doonaa marbay gelayda, garawguba naga wada dhamaan doonaa waana soo dhawaynaynaa bil ka horna waanu u fasaxnay beeraha wacyigelinna waxa aanu ku samaynay qoysaska, reerba reer ayaanu la dejinay biyahana waa loo dhaaminayaa waana loo karinayaa insha Allaahu tacaala. Waxaanad ogaataan dadka reer Somaliland iyo dadka muslinka ahi waa jidh keliya oo mar ayey naftu ka wada baxaysaa ilaahay waxan ka rajaynayaase in aynu wada noolaano.”

Waxaana hadalka la wareegay Sheekh Xasan Cabdisalaan, Gudoomiye ku xigeenka Guddida Abaaraha heer qaran ee Somaliland ayaa xusay in loo baahan yahay in la gurmado oo xoolaha wax laga bixiyo dadkaa abaartu ku dhacdayna ay tahay in lala naf qeybsado,  Sheekh Xasan Cabdisalaan wuxuu mahad naq usoo jeediyey dadka degan gobolada galbeedka isagoo ku amaanay siday usoo dhaweeyeen dadka kasoo qaxay Abaarta ee ay soo dhaweeyeen .

Sheekh Xasan Cabdisalaan waxa uu xusay raashin Dawladda Turkigu ugu talo gashay Somaliland oo la qeybiyey baqigii soo hadhay ay maanta u dirayaan  bariga Somaliland  waxaana uu yidhi  “Deeqdaa raashinka ah ee Turkigu inagu soo caawiyey iyaguna waa ku mahadsan yihiine qeybihii ay ku lahaayeen Gobolada Galbeedku  laga soo bilaabo Gobolka Maroodi jeex iyo qeybo kamida, deeqdaasi waxay ahayd Boqol kun oo qoys  waxaana ay gaadhay Afartan kun oo qoys , Gabiley iyo Awal inta ka joogtaa waxay noo cadeeyeen inay uga tanaasuleen Walaladood waana ku mahadsan yihiin anagoo ka gudoonay deeqdaasi, raashinkaasina siduu u dhan yahay wuxuu wada tagi doonaan  gobolada bariga oo ka bilaabma gobolka saaxil ilaa laga gaadho Xaysimo  iyo inta u dhaxaysa ayuu raashinkaasi tagi doonaa wixii ka bilaabma saacadaa”

Sidoo kale Sheekh Xasan Cabdisalaan wuxuu xusay inay suganaan Balanqaad ay ka hayaan Walalahood Gobolada Gabiley iyo Awdal oo ku deeqay Bal ama Caleen loogu talo galay Xoolaha ” Waxaa kale oo runtii gudoon wanagsan ah oo aanu ka gudoonay Gobolka Gabiley Labada boqol ee baabuur ee Balka ah oo runtii iyagana loogu talo galay xoolaha in lagu caawiyo, waxaa isaguna balan qaad wanagsan inoo yaala halkan oo gobolka reer Awdal inoo balan qaadeen inooguna magan yihiin Balkaa iyo Caleentaasi”

Ugu dambayna waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, ahna ku simaha Gudoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Abaaraha Somaliland, Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Ugu horayn waxaan halkan ku soo dhawaynaynaa masuuliyiinta iyo madaxda guddiyada abaaraha ee gobolka Awdal iyo gobolka Gabiley, mar labaadka waxaanu ugu mahad naqaynaa dareenka hilowga iyo kalgacalka leh ee ay la yimaadeen iyo deeqdii ay ku wareejiyeen guddida qaran ee taakulada abaaraha, saamiyadii raashimadii ah heleen, iyo balkaa ay balan qaadeen, aad iyo aad ayaanu uga mahad naqaynaa.

“Waxa kale oo aanu ku bogaadinaynaa uguna mahad naqaynaa guddiyada halkan fadhida iyo bulshada gobollada Awdal iyo Gabiley sida walaaltinimada leh ee wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen dadkii ku soo guuray ee dhulka abaarta ah ka yimid, Udub iyo hayaan badan ayaa ku soo dhacay, waxa halkan xogtoodii ka mid ahayd maalintiiba in degmadda Dila iyo gobolka Gabiley marka laysku geeyo in ilaa konton gaadhi oo sida dad uu maalin walba yimaado, taas oo mudo socotay markaa bishii hadii konton gaadhi maalin walba imanayaan waxa weeye kun iyo shan boqol oo qoys, runtii taana waanu ugu mahad naqaynaa.”

Wasiirka Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena intaaasi ku daray “ Dhulku wuu kala duwan yahay, dhulka barigu waa dhul furan oo daaqatada iyo raacatadu ay wada leedahay, laakiin dhulka deegaanka galbeedku waa dhul la degan yahay oo  kala xidhan oo la kala leeyahay, go’aan sahlan maaha nin beertiisii furay oo nin walaalkiis ah ku soo dhaweeyey oo daaqii iyo calaf wixii uu hayeyba loogu yimid oo lala wadaagay. waxay muujinayaan arimahaasi sida aynu dad kaliya u nahay, sida aynu isugu damqanayno, waxa ay muujinaysaa hilowga iyo kalgacalka bulshda Somaliland ka dhexeeya, dhaqanka wanaagsan ee ay leeydahay waayo mar walba waa laysku hayaamaa, waxa weeye xilad, xeer wanaagsan iyo xanaan ayey bulshadeenu isku wada leedahay, deeq iyo gobanimo badan ayey leedahay aad ayaanu ugu bogaadinaynaa. ILAHAY-na  (SWT) waxaanu ka baryeynayaa inuu ciwad san siiyo, kana samata bixiyo duruufaha adag ee ka jira dhulka intiisa kale.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena baaq u diray bulshda reer Somaliland waxaanu yidhi “ Waxa aynu u bahan nahay marka arrimahu sidan oo kale noqdaan, bulshada Somaliland waxaanu ku guubaabinaynaa waxaynu u baahan nahay inaynu is taakulayno, inaynu is gargaarno, inaynu isu tashano, inaynu ILAHAY-na u toobad keeno oo barino. Waxa lagama maarmaan ah inaynu iska ilaalino inaynu jaahwareerno, inaynu quusano, inaynu is karaahiyeysano, wax yaabahaas oo dhami waa calaamadaha jabka iyo guul darrada.”

Ugu dambayntii Wasiirka Madaxtooyada ayaa sharaxay qaabka loogu gurmadn karo dadkaasi abaaraysan waxanu yidhi “ Waxa aynu u baahan nahay inaynu gacmaha is qabsano oo isu tashano maanta qoska kaliya ee inaga mid ah waxa aynu bishii ku badbaadin karnaa Lixdan Doolar( 60$), hadii ay maanta sadex boqol oo kun oo qoys xaalad ku jiraan, waxaa kafaalo qaadan kara sadex boqol oo kun oo qof oo bishiiba bixiya min lixdan doolar (60$), waa tab iyo xeelad aynu ku maarayn karno kagana samata bixi karno duruufahan.

dsc_00001 dsc_0016 dsc_0005 dsc_0007

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.