Wasiirka Maaliyadda XFS oo soo dhaweeyay lacag dhan $55 oo lagu kabay miisaaniyadda dowladda

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Maaliya xukumada Soomaaliya  mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beeyle ayaa  soo dhaweeyay lacag dhan  $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kabka Miisaaniyadda dowladda.

War-qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebuga ayuu ku yiri sidatan.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kabka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya ayaa sidookale sheegay lacagtaan in ay ku muteeysteen  Maamul wanaagga maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaale ee ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya  Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay.

“Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay.

Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono.