Wasiirka Maaliyadda XFS oo madaxda Hay’adda IMF kala hadlaya lacag cusub oo ay Soomaaliya yeelato

Mareynkanka – (warsoor) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta aduunka iyo Banka aduunka.

Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa hay’adahaasi u bandhigaya hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo isbadalada lixaadka leh ee ay samaysay, Wasiir Beyle ayaa ka hadlaya mas’uuliyiinta uu la kulmayo sidii Soomaaliya loogu saacidi lahaa mashaariic dib u kabasho ah inta uu socdo hannaanka lacagaha daymaha ah looga cafinayo.

Waxaana Arrinta ugu muhiimsan ee Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle kala hadlayo madaxda Bankiga aduunka iyo IMF ayaa ah in la dadejiyo qorshaha samaynta lacag cusub oo Soomaaliya yeelato, taas oo Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in la hirgaliyo sanadkan 2018-da.

Wasiirka Maaliyadda ayaa khudbad ka jeediyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Harvod, taas oo uu kaga hadlay fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya ka bannaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sameysay hannaan dhaqaale oo hufan,taasi oo suurta gelisay in lacagaha deynta ee lagu leeyahay Soomaaliya laga fududeeyo in laga cafiyo.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.