Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Nairobi uga qeybgalay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Gees Afrika

Nairobi – (WARSOOR) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative). Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa hadal ka jeediyay isaga oo ka hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka u leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore lagu heshiiyay.

Shirkaan muhiimka ah ee Wasiiradda Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sida uga wanagsan dalalkaan uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha maalgalineed iyo kale muhiimka u ah iskaashiga Geeska Afrika.

“Waxa aan maanta magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 15-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika (Horn of Africa initiative) shirkaas oo aan uga dooday horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka ku midoobay kulankaan.

Waxa aan ka jeediyay khudbad kooban oo aan diiradda ku saaray sida ay ahmiyad gaar ah innoogu leedahay fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee aan hore ugu heshiinnay”. Ayuu yir Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Shirkaan muhiimka ah ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalay wakiilo ka socdag Bangiga Adduunka, Midowga Yurub iyo Bangiga Horumarinta Afrika.