Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la Kulmay Wafdi ka socday Bangiga Aduunka

Muqdisho – (warsoor) – Wafdigaan oo ka socday Bangiga Aduunka ayaa kulan la qaatay Wasiirka Maaliyaadda XFS Mudane C/Raxmaan Ducaale iyagoona ka wada hadlay arimo ku saabsan horumarka Maaliyadda Dalka.

Masuuliyiinta Wafdiga hogaaminaysay ayaa kala ahaa Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale.

Wasiirka Maaliyadda Mr Beyle ayaa sheegay in ay ka wada hadleen madaxda Bangiga Aduunka arrimo badan oo ay ka midyihiin guulaha laga gaaray hanaanka maamulka Maaliyadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka oo uu hogaaminayay Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale, Waxaan ka wada hadalnay arimo badan oo ay ka midyihiin guulaha aan ka gaarnay hanaanka maamulka Maaliyada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka. Bangiga Aduunka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Bangiga Aduunka ayaa ah Sxb in badan ka caawiya Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ugu horeyso taageerada Dowladda Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.