Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Ka Warbixiyey Horumarka iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda

Muqdisho – (warsor) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beele ayaa sheegay in warbixin kooban uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka siiyay horumarka Dowladda ka gaartay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka.

“Sharaf ayay ii tahay inaan warbixin kooban ka siiyo Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamed Cabdullahi Farmaajo horumarka aan ka gaarnay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka”, ayuu yiri Wasiirka Beyle.

Sidoo kale,Wasiir Beyle ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay natiijada ka soo baxday kulanka Jaamacadda Carabta oo uu dhowaan kaga qeyb galay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

“Waxaan sidoo kale la wadaagay natiijooyinkii kasoo baxay kulankii Jaamacadda Carabta ee Qaahira usbuucii tagay aan uga qeyb galay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.