Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Daah Furay Mashruuc lagu dhisayo habka Maamulka Maaliyadda ee Ciidamada Qaranka

Muqdisho – (warsoor) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey tababar ay wasaaradu u qabatay hawl-wadeenadda wasaaramadda Maaliyadda ee ciidamada Qaranka Soomaaliya.

wasii_farkeeti

Shirka lagu daah furayey mashruucaan cusub, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhiga Janaraal Cabdulqdir Cali Diini, Khubaro ka socotay Wasaaradda Amniga Qaranka, Saraakiil ka socotay midowga Yurub oo tababarta Ciidamada Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Ugu horeyntii Wasiirka Maaliyadda mudane Farkeeti, ayaa sheegay in dowladdu ay ku guulaysatay in Shaqaalaha Dowladda ay mushaarkoodu ugu dhacaan xisaabaha uga furan Bangiyada, maantana aan daahfurayno mashruc kaas la mid ah oo lagu tayeeynayo in Ciidanka qaranka loo sameeyo hab u sahlaya in mushaarkooda ku helaan waqti cayiman.

Wasiir Farkeeti ayaa yidhi, “Ciidankeennu waxay safka hore uga jiraan dagaal ay kula jiro kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab, waxayna u taagan yihiin xaqiijinta Amniga, Waxaa ka dowalad ahaan waajib nagu ah in aan ka taxadarno bixinta mushaaraadka Ciidamada kala duwan, uuna noqdana mid si joogta ah loo helo, taa marka la suurtagalinayo waa in la helo qaab ku salaysan isla xisaabtan iyo hufnaan lagu bixiyo mushaaraadka ciidanka”.

tababar

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii watta ayaa yidhi, “Miisaaniyadda dowaladda 45% waxay ku baxdaa Ciidamadda kala duwan, mashruucaana wuxuu noo sahlayaa bixinta mushaaraadka iyo gunooyinka ciidanka, waxaana hada aad u adag qaabka loo gaarisiyo ciidamada, iyadoo lagu qaado diyaarado si lo gaarisiiyo ciidamada ku kala firirsan goboladda dalka. Bilaha soo socda dowladdu waxay fulin doontaa in isbadal balaarn lagu sameeyo qaabka bixinta mushaaraadka iyadoo la isticmaalayo hab cusub oo sahlaya in mushaarka isla markiba uu helo askariga xaqa u leh, isagoo jooga goobta uu shaqada qaran ka hayo, wuxuuna mashruucaan cusub meesha ka saarayaa musuq maasuqa, waxayna dowladdu awoodo u yeelanaysaa in deeqaha mushaaraadka ee caalamku bixiyo loo isticmaalo hab ku dhisan isla xisaabtan”

Wasiirka Gaashaandgiga Cabdulqadir Sheikh Cali Diini oo isna hadal ka jeediyey shirka ayaa sheegay in mashruucaan hadda lagu bilaabayo Ciidamada Qaranka ayna ku xigi doonaan Ciidaamda kala duwan ee Dowladda,

“Mashruucaan wuxuu naga caawinayaa in meesha laga saaro lacagtii Cadaanka ahayd ee loo qaadi jiray ciidamada furimaha ku jira,wuxuuna billow fiican u yahay sidii ciidanka qaranku ay u heli lahayeen xuquuqdooda xili cayiman, dhinaceena waxaan ballan qaadanynaa inaan u muujino wada shaqyan joogta ah hay’ada fulinaysa barnaamijkaan, mushraacaana wuxuu ka qayb qaadanayaa dhisimaha guud ee aan ku wadno Ciidanka qaranka” sidaasi waxaa yidhi Wasiir Diini.

Barnaamijkaan dhaqaalaha ku baxaya waxaa ku deeqay UK-AID iyo Midowga Yurub, wuxuuna qayb ka yahay dadaal ballaaran oo loogu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa hanaanka dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliya oo ku kala firirsan Gobollada Dalka si loogu sameeyo maamul mushaar oo ku dhisan isla xisaabtan iyo hufnaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.