Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Booqatay Xarunta Ciidamada Dabdemiska

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta booqasho ku tagtay Xarunta Ciidanka Dabdemiska Caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka ciidanka Dabdemiska oo ay ugu horeeyaan Taliyaha Ciidanka Axmed Xasan Sawaaxili,Agaasimaha Guud Ee Maamulka Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Suldaan Axmed Daahir oo ka mida Guddida Dabdemiska iyo dhamaan saraakiisha ciidanka Dabdemiska ee xarunta ku sugnaa.

DSCN9973

Ugu horayn waxaa sharax ka bixiyay sida hawshu u socoto maamulka Ciidanka oo ka waramay halka ciidanka Dabdemiska laga soo bilaabay, halka uu maanta marayo iyo qorashayaasha dhaw iyo kuwa fog ee ciidanka u qorshaysan iyadoo ciidanku muddo kooban jiray haddana uu waxqabad weyn ku talaabsaday waxaana Maamulku sidoo kale iftiimiyeen guulaha ay ka gaadheen xagga maamul wanaaaga iyo tayaynta Ciidanka.

Dhanka kale waxaa Wasiirku booqasho ku martay dhamaan xafiisyada Xarunta Dabdemiska iyadoo mid mid u soo martay halkaasna ay ku soo dhaweeyeen dhamana Madax qaybeedada ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa.

Dhankeeda waxaa iyaduna halkaa hadal qiimo badan ka jeedisay Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Maaliyada, oo sheegtay inay aad ugu faraxsantahay soo dhawayntan ay ciidanku u sameeyeen iyadoo wasiirku tilmaamtay in ciidanka Dabdemsiku miisaaniyadii Wasaaradu u qorshaysay sanadkii hore halkii loogu tala galay iyo wixii loo baahnaa lagu qabtay,waxaana Wasiir sam sam intaa ku dartay in ciidanka Dabdemisku sameeyeen waxqabad muuqda oo la taaban karo muddada ay jireen waxaana wasiirku ciidanka dabdemsika kula dardaarantay inay dadaalka halkaa ka sii wadaan isla markaana aanay ka daalin heeganka ay ugu jiraan badbaadinta shacabkooda sidoo kalena waxay Wasiir Sam sam ballan qaaday inay garab taagantahay ciidanka dabdemiska markasataba iyo goor kastaba.

Ugu dambayn waxaa kulan gaara Wasiirka la qaatay Maamulka ciidanka Dabdemsika iyadoo kulankaasina uu daarana sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayn ee ka dhaxeeya Wasaarada Maaliyada iyo Ciidanka Dabdemiska Hargeysa.

Maaha markii ugu horaysay ee masuuliyiinta xukuumadu booqashooyin ku yimaadaan Xarunta Dabdemsika balse waxaa booqashooyin kala dambeeyay ku yimi xarunta Wasiiro,Badhasaabo iyo Masuuliyiin kale oo u dambeeyay Badhasaabka Gobolka Saaxil oo hal maalin ka hor Booqasho ku yimi Xarunta Ciidanka Dabdemiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Booqatay Xarunta Ciidamada Dabdemiska

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta booqasho ku tagtay Xarunta Ciidanka Dabdemiska Caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka ciidanka Dabdemiska oo ay ugu horeeyaan Taliyaha Ciidanka Axmed Xasan Sawaaxili,Agaasimaha Guud Ee Maamulka Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Suldaan Axmed Daahir oo ka mida Guddida Dabdemiska iyo dhamaan saraakiisha ciidanka Dabdemiska ee xarunta ku sugnaa.

DSCN9973

Ugu horayn waxaa sharax ka bixiyay sida hawshu u socoto maamulka Ciidanka oo ka waramay halka ciidanka Dabdemiska laga soo bilaabay,halka uu maanta marayo iyo qorashayaasha dhaw iyo kuwa fog ee ciidanka u qorshaysan iyadoo ciidanku muddo kooban jiray haddana uu waxqabad weyn ku talaabsaday waxaana Maamulku sidoo kale iftiimiyeen guulaha ay ka gaadheen xagga maamul wanaaaga iyo tayaynta Ciidanka.