Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Berbera kaga qayb galay abaal marinayay shaqaalaha Rugta Kutubta ee Berbera

BERBERA – (WARSOOR) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa magaalada Berbera kaga qayb galay xaflad lagu abaal marinayay shaqaalaha xarunta Akhriska iyo Qoraalka ee (Berbera Public Library).

Munaasibaddaasi oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka degmada Berbera waxa kasoo qayb galay Meeyarka Berbera iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil, xildhibaano iyo masuuliyiin kale. Iyadoo halkaasi shahaadooyin lagu guddooniisyay shaqaalahii ugu wanaagsanaa sanadkii 2020 ee  xarunta Akhriska iyo Qoraalka ee (Berbera Public Library).

Masuuliyiinta xarunta akhirska iyo qoraalka ee Berbera ayaa ka waramay waayaha ay soo martay rugtaasi iyagoo tilmaamay inay heersare hadda marayso.

Duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi ayaa sheegay inay goob muhuuma u tahay shacabka iyadoo ay kor u qaadday garaadka iyo aqoonta dhalinyarada, iyagooo bogaadiyay shaqada ay qabteen gudada Rugta Kutubta ee magaalada Berbera.

Wasiirka  Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa soo dhaweeyay waxyaabaha u qabsoomay xarunta akhirska iyo qoraalka ee Berbera isagoo bogaadiyay shaqaalaha rugtaasi. Waxaanu tilmaamay in goobaha wax Akhirsku ay muhiim u yihiin kobcinta waxbarashada. Ugu dambayna waxa halkaasi shahaadooyin iyo abaal marino lagu guddoonsiiyay shaqaalaha xarunta akhirska iyo qoraalka ee Berbera.