Wasiirka Isgaadhsiinta JSL Oo Hortagay Guddida Dhaqaalaha Ee Wakiillada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay masuuliyiinta wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland.

Guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland oo ay weheliyaan madaxda qaar ka mida waaxyaha wasaaradaas ay ka xogwaraysteen shaqada ay qaranka u hayaan, waxaanu intaas ku daray in arrimaha ay kulankaas ku lafo-gureen ay ka mid ahaayeen habraaco iyo xeer nidaamiyeyaal dhanka isgaadhsiinta ah oo wasaaraddaasi ay soo saartay, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tarayaan wada shaqaynta guddida dhaqaalaha, shirkadaha ka shaqeeya arrimaha isgaadhsiinta iyo wasaaradda isgaadhsiinta.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolayiyada Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdilaahi Suufi, ayaa sheegay in arrimhii ay guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada ay isku afgarteen arrimhii ay ka kulankaas xogwaraysiga iskula soo qaadeen, waxaanu wasiirku tilmaamay in ay isla garteen in wasaaraddu samayso qaab iyo shuruuc lagu maamulaayo suuqa isgaadhsiinta dalka.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland wuxuu sheegay in talaabadii ay dhawaan wasaaraddu liisamada kagala noqotay shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ka hawl-gala ay wasaaraddu uga gollahayd in lagu horumariyo qaabka lagu bixiyo liisamada, maadaama oo shirkadaha isgaadhsiinta qaarkood ay liisamada qaateen labaatan sanno ka hor.