Wasiirka Howlaha Guud oo Golaha Shacabka ka hor akhriyey hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta Magaalooyinka

Muqdisho (warsoor) Kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kulankiisa 11-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka BJFS ayaa ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Kulankan oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 151 xildhibaan, iyadoo Ajendaha kulanka uu ahaa aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhul.

Wasiirka Wasaarada howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan C/fitaax Geeseey ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka, hormarinta iyo maamulka dhulka oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay, iyadoo qaar kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ay su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka hindisa sharciyeedkan, waxaana la soo gaba-gabeeyay Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedkan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hindise  loo gudbin doono gudiga uu quseeyo si uu ula kaashado Wasaarada howlaha guud.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.