Wasiirka horumarinta biyaha Somaliland oo xafiiskiisa kula kulmay masuuliyiin ka socda hay’adda Boqor Salmaan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka horumarinta biyaha Somaliland Md Maxamed Muuse Diiriye ayaa xafiiskiisa kula kulmay  masuuliyiin ka socda hay’adda Boqor Salmaan oo laga leeyahay dalka Sucuudiga , waxaana kulankaasi  wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi.

Markii kulanka shirkaasi soo dhamaaday ayaa waxa warbaahinta la hadlay agaasimaha guud ee wasaraadaasi  Maxamed Xasan Dirir oo sheegay in kulankaasi lagaga wada hadlay mashaariic dhinaca horumarinta biyaha ah oo dalka laga fulin doono kuwaasoo ka kooban ceelal  dhaadheer dhaamam  biyaha lagu kaydin doono.

Waxaanu agaasimaha guud intaasi ku daray in hay’adda boqor Salmaan ay Sucuudiga u qaabil santahay mashaariicda horumarinta biyaha Somaliland-na ay xidhiidh wanaagsan leeyihiin.