Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Oo Mashaariic Horumarineed Ka Dhagax Dhigay Gobolka Togdheer Degaamo Kamid Ah

BURCO – (WARSOOR) – Wefti uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md Maxamed Muuse Diiriye, maamulka gobolka Togdheer  iyo Hay’addaha la shaqeeya wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa degaanka Beer ee gobolka Togdheer ka dhagax dhigay mashruuc lagu qodaayo saddex berkadood oo dadka degaankaasi ku shubtaan biyaha, isla markaana ay ka faa’iidaystaan.

Mashruucan oo ay maalgelinayso hay’adda UNDP waxa ugu horeyn ka warbixiyey masuul ku hadlaayey afka hay’adda UNDP iyo isu duwaha wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ee gobolka Togdheer, waxaanay masuuliyiintani tilmaameen in berkadahan ay maalgelinayso Hay’adda UNDP eel aga samaynaayo degaanka Beer laga dhigi doono kuwo shub ah, isla markaana lays raacin doono dhagax dhiga iyo bilawga mashruucan,waxaanay tilmaameen in saddexdan berkadood mid kamid ah loo dhisi doono dugsiga beeraha ,labada kalena bulshadda loo qodi doono.

Waxa isna halkaas ka hadlay Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo isna halkaas ka hadlay ayaa wasiirka iyo Hay’adda UNDP uga mahadceliyey mashruucan, waxaanu tilmaamay in berkadahan baahi weyn loo qabay.

Ugu dambayntiina waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md Maxamed Muuse Diiriye oo bulshadda degaanka Beer usoo jeediyey in ay ka faa’iidaystaan mashruucan,waxaanu tilmaamay in ay sidaan mashaariic kale oo ay ceelasha gaagaaban iyo taangiyo kaga samaynayaan gobolka Saraar.