Wasiirka Hawlaha Guud oo kulan laqaatay ku-simaha Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Qaranka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, dib-u-dhiska iyo  Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa maanta kulan lagu dar-dar galinayey Olalaha Is-xilqaan ee lagu dhisayo guriga hooyooyinka Qaranka ee Maamo Saynab Baxsan waxa uu laqaatay ku-simaha Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Qaranka iyo mas’uuliyiin ka socotay Xafiisyada Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha u qaabilsan Ololaha Is-xilqaan.

Mas’uuliyiinta ayaa isla qaatay in si degdeg ah loo dhamaystiro dib-u-dhiska guriga hooyooyinka Qaranka oo hadda meel gabo gabo ah maraya.