Wasiirka Ganacsiga Somailand Oo Furay Kulan Lagu Gorfaynaayay Xeer Nidaamiyeyaasha Shirkadaha Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, dal-xiiska iyo Wershadaha Somaliland ayaa magaladda Hargeysa ka furay kulan lagu gorfaynaayo xeer nidaamiyaha Xeerka Shirkadaha Somaliland kaas oo labarkiisu yahay 80/2018.

Kulankaas waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka socday Shirkadaha kala duwan ee dalka, Rugta Ganacsiga iyo xubno wasaarada ganacsiga ah ka tirsan.

Faadumo Axmed Cawaale, Agaasimaha Waaxda Shuruucda ee Wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Somaliland Cabdiraxmaan Muxumed Ab-deeq, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas oo ayaa sheegay in wasaaraddu fududaysay nidaamkii shirkadaha iyo ganacsadadu ay u mari jireen diiwaan gelinta iyo adeegyada ay wasaaradda ganacsigu bixiso, iyadoo hadda lagu shaqeeyo nidaam is gaadhsiineed oo ay si fudud ku heli karaan shirkaduhu.

Maareeyaha Shirkadda Somtel C/naasir Daa’uud, Madaxa xidhiidhka ee shirkada Telesom ee dhinaca dawladda Cali Maxamed Cajab iyo Xoghayaha rugta Ganacsiga Cali Ismaaciil Cilmi, ayaa soo dhaweeyay xeerkan iyagoo sheegay in loo baahanyahay in la xoojiyo wadashaqaynta wasaaradda iyo Shirkadaha.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo wershadaha ee Somaliland Maxamud Xasan Sacad (Saajin) ayaa sheegay inay rajaynayaan in sanadkan gudihiisa guud ahaan dalka oo dhan in Shirkaduhu ay hab  isgaadhsiineed oo toosa ku helidoonaan Liisamadood marka ay maraan habraaca dawladda ee arrintan ku salaysan.