Wasiirka Gaashaandhigga Jsl Oo Fariin Maanso Ah Oo Daaran U Diyaar Garawga Xuska 18 May U Diray Ciidamada Dalka

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo saaka ka qayb galay gaardiska ciidamada kala duwan ee dalka oo dhoolatus ku samaynayey xarunta xerada Bir-jeex ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay dhamaan ciidamada kala duwan ee dalka, Wasiirada wasaaraddaha Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka C/laahi Abokor, Taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Qaranka.

Munaasibadani dhoolatuska ah oo loogu diyaar garoobayo xuska maalinta qaranimada ee 18 May ayaa ahayd mid aad loo soo agaasimay oo ay ciidamada kala duwan ee dalku halkaasi ku samaynayeen Gaardis sare.

Geesta kale waxa halkaasi fariin maanso ah u diray ciidamada kala duwan ee dalka Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) waxaana ka mid ahaa maansadaasi.

Ø  Nabad side saxaan ahay

Ø  Sirta dhawrayaan ahay

Ø  Wanaag saafiyaan ahay

Ø  Dadka saacidaan ahay

Ø  Saymaha dagaalkana

Ø  Seef iyo birbaan ahay

Ø  Sun waabay lee baan ahay

Ø  Cadaw suuliyaan ahay

Ø  Soo jeedsan baan ahay

Ø  Seef laba af leh baan ahay

Ø  Sidaa saan ku dhaqanahay

Maansadani oo ah fariin loogu talo galay ciidamada kala duwan ee dalka ayaa ah mid lagu dhiiri galinayo sida wanaagsan ee ay qaranka u difaacaan, waxaana curiyey maansadani Abwaan Xasan Cismaan(Calfiye).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.