Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Dalka Ku Soo Dhaweeyey Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska

Hargeysa- (warsoor) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo uu weheliyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismacil Taani ayaa dalka ku soo dhaweeyey Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska(Uk)  Gavin Williamson, oo ka soo dagay Gagida diyaaradaha ee Egal International Airport.


Wasiirka ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska oo si weyn ay wada shaqayn weyn leeyihiin kaasi oo tilmaamay in ay Somaliland danaynayso cid kasta oo wada shaqayn la rabta in ay soo dhawaynayso waxaana hadaladisa ka mid ah(‘’Waxaanu soo dalka ku soo dhawaynay Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska Mr Gavin Williamson, oo aanu wada shaqayn leenahay ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland hiigsigeedu waa qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka’’) Ayuu yidhi Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf.


Imaatinka Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska (Uk) Gavin Williamson  ayaa ku soo beeg maya xili wasaarada gaashaandhigu ay horumaro iyo dadaalo ay ku doonayso in ay kor ugu qaado dhanka dhanka xidhiidhka iyo wada shaqaynta dawladaha dibada uu yimi taasi oo doonaysa in ay kor u qaado dhanka Amaanka guud ee madaqada, hanaanka xaqsiinta ciidamada ayaa la filayaa in uu wax weyn ka qaban doono Xoghayaha difaaca ee dawlada Ingriisku.

Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska  oo ah masuul meeqaam sare ku leh dawlada Ingriiska ayaa safarkan uu dalka Somaliland ku imid ah mid meeqaamka iyo qaranimada somaliland kor u qaadaysa in sarkaalkaas uu dalka imaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.