Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo Beeniyey in Dagaal Ka Dhacay Degmadda Badhan

Badhan – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Md. Ciise Axmed Xawar ayaa ka jawaabay eeday uga timid maamulka garoowe oo sheegay in wasiirka laga horjoogsaday inuu galo degmadda badhan oo uu ka soo jeedo.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanu jiray dagaal dhexmaray ciidamadda Somaliland iyo ku Puntland oo ka dhacay degmadda Badhan.

Wasiirka oo ka hadlay xaalada magaalada Badhan ayaa yidhi, “Xaalada Magaaladda Badhan Wey Degan tahay, manajiraan wax dhibaato. Ma jiro wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay”.

Dawladda Puntland ayaa sheegay inay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland iyo ciidamo uu wattay laga horjoogsaday inuu galo magaalada Badhan. Wasiir Ciise Axmed Xawar oo arintaasi ka jawaabay ayaa yidh, “Waxba kama jiraan, waana been warkaasi, waanu tagnay waanan soo dhagax dhignay”

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Ciise Axmed Xawar ayaa maalmahan hawlo shaqo u joogay gobolka Sanaag waxaanu kulamo la yeeshay waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.