Wasiirka Gaashaandhiga JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sarkaalka Ugu Sareeya Ee Ciidamada Ingriiska Ee Somaliland Iyo Somalia

Hargeysa – (warsoor) – Kulankani oo saaka ka dhacay gudaha xarunta wasaarada gaashaandhiga JSL ayaa ahaa mid uu wasiirka gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) uu ku qaabilay taliyaha guud ee wasaarada gaashaandhiga ingriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ee fadhigiisu yahay Ethiopia Colonel Matt Munro, oo ay weheliyaan madaxa xafiiska Ingriiska ee Somaliland Stuart Brown, iyo madaxda hayada Axiom Lain Cholerton, Samir Dualeh. 

Kulan kani oo saacado qaatay ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ee dhanka ciidamada iyo xoojinta taageerada uu ingriisku siiyo Somaliland. 

Geesta kale waftiga ayaa soo kormeeray dhismaha cisbitaalka ciidanka oo la wado iyo qaybaha kala duwan ee cisbitaalkii hore oo ay soo indho indheeyeen bukaanada kala duwan ee halkaasi ku sugan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.