Wasiirka Gaashaandhiga JSL Oo Ka Qayb Galay Xidhitaanka Barnaamijka Shaqo Qaran

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargeysa.  

Munaasibadda uu madaxweynuhu kusoo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar kamid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamujka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgarad, iyo haldoor kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani u soo kordhiyey qaranka, dhiirigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is fahanka bulshada.  

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madasha lagu soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey mashruucan, waxana ay tilmaameen inuu barnaamujkani tusaale u yahay sida ay Somaliland iskeed u qabsan karto wax kasta oo ay u aragto inay horumarin karaan dadkeeda iyo dawladnimadeeda.  Waxaana hadaladii wasiirka gaashaandhigu uu madasha ka jeediyey ka mid ahaa ”Marka koowaad waxaynu nahay Islaam waxaad halkaa ka garanaysaa maalintuu bilaabay Madaxweynaheenu JSL niyad wanaaga, waxa uu xidhitaankii ku soo hagaajiyey 21 Ramadaan oo ah maalin barakaysan oo Salaadii taajudka la soo tukaday, waxa midho dhalkii kuu muuqda in ardaydii 400 oo ka mid ah ay qaadatay shirkada Singapore Oil. Markaa waxa halkaa ka muuqata in niyad wanaag markii hore lagu furay kuna soo hagaajiyey xidhitaankii maalin barakaysan”.  Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ”Maanta waxaynu halkan u wada joognaa in madaxweynaha Qaranku mudane Muuse Biixi Cabdi uu inoo soo xidho dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Shaqo Qarran oo tiradoodo dhantahay 1350 kana kala yimid dhamaan gobolada dalka min Laascaanood ilaa Saylac”.  

Geesta kale waxa uu wasiirku xusay in uu hindisaha barnaamijka shaqo qaran uu lahaa madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, taasi oo u jeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo garaadka dhalinyarada reer Somaliland.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.